Soomaaliya oo balanqaad u sameysay Antonio Guterres

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku biirtey qaar kamid ah dowladaha caalamka oo hambalyo u diraya xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.

Guterres oo ah diblumaasi u dhashay waddanka Portugal ayaa Jimcadii shalay ahayd waxaa mar labaad waxaa loo doortey in uu sii hayo jagadda ugu sareysa Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa shaqsiga ah ee Twitter-ka wuxuu ugu hambalyeeyay guusha uu kasoo hooyey doorashaddii shalay.

"Waxaan mudane Antonio Guterres kuugu hambalyeynayan dib-u-doorashada markii labaad in ay noqoto xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Tani waxay xaqiijineysaa in ay kaa go'an tahay in aad u adeegto bini'aadanimada. Inta aad tahay xoghayaha 9aad ee UN-ka, Soomaaliya waxay kuu garab-istaageysaa si aan laab-laab lahayn," ayuu tibaaxay.

Kadib dib-u-doorashaddii shalay, Guterres oo farxad ka muujiyey labintaas uu helay ayaa hoosta ka xariiqay in uu diiradda saari doono sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka caalamiga ah ee dunida ka jira.

"Waxaan ku bixin doonaa wax walba oo aan ku xaqiijinayo inuu soo ifbaxayo kalsoonida u dhaxeysa umadaha waaweyn iyo kuwa yar yar, si loo dhiso buundooyin, iyo inaan si hagar la'aan ah uga qeybqaato dhismaha kalsoonida," ayuu Guterres u sheegay Golaha Guud ka dib markii uu qaatay dhaartay uu mar labaad baaqi ugu sii ahaanayo xafiiska.

Guterres wuxuu xilka kala wareegay Ban Ki-moon bishii Janaayo 2017, toddobaadyo uun ka hor markii Donald Trump uu noqday madaxweynaha Mareykanka. Inta badan Guterres xilligiisii ​​ugu horreeyay wuxuu diirada saarayay inuu meeleeyo Trump, oo su'aal ka keenay qiimaha UN iyo awooda dhinacyada badan ee aduunka.

15-ka xubnood ee Golaha Amniga ayaa horaantii bishan waxay kula taliyeen Golaha Guud in dib loo magacaabo Guterres. Xilli-hawleedkiisa labaad wuxuu si rasmi ah u bilaabanayaa 1-da bisha Janaayo, 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo u ogolaatay Itoobiya inay qeyb ka noqoto AUSSOM

Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 07:11PM

Madaxda Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya oo booqday Muqdisho

In kasta oo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer joogeen Soomaaliya, heshiiskani wuxuu muujinayaa iskaashi rasmi ah iyo qaab-dhismeed leh.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 12:41PM