Soomaaliya oo beenisay warar laga faafiyey dacwadda badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Soomaaliya ayaa ganafka ku dhufatay warar ay faafiyeen qaar kamid ah saxaafadda Kenya oo ku saabsan is-qabqabsiga dhanka badda ee ka dhaxeeya dowladaha deriska ah.

Wargeyska The Star ee fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ayaa qoray in Qadar ay ka shaqeyneyso heshiis ay labada dal ku wadaagayaan kheyraadka ku jira goobta lagu muransan ee sohdinta ku taalo.

Hase ahaatee, ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa gaashaanka u daruuray sheegashadaas, wuxuuna ku adkeystay in ICJ ay kaliya gaareyso go'aanka kiiska.

"Wararka warbaahinta ah ee ah in Soomaaliya iyo Kenya ay kawada heshiinayaan qeybsi 50/50 oo ah Gaaska iyo Shidaalka malahan sal mana ahan run. Waxaan ka dhur-sugaynaa xukunka cadaalada ah ee CJI-ICJ kasoo saartay muran badeedka," ayuu Guuleed oo si weyn ugu dhow madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ku qoray Twitter-ka.

Sida ku xusan warbixinta, Qadar oo dhowaan biyo qabow ku shubtay xiisada diblumaasiyadeed ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa dano weyn ka leh shirkada reer Italy ee Eni taasoo sahmin kawada goobta la isku hayo.

Dhanka kale, Dooxa oo la aaminsan yahay in 2017-kii ay maalgelisay ololihii doorasho ee Farmaajo ayaan wali si rasmi ah uga jawaabin warbixinadan. Sidoo kale, Nairobi wali dhankeeda ma aysan caddeyn mowqifkeeda.

Dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa taagan tan iyo 2014-kii iyaddoo Nairobi ay had iyo goor u ololeyn jirtay in kiiska lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamad, balse waxaa ka diidey xukuumadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM