Soomaaliya oo bogaadisay is-afgaradka Sacuudiga iyo Qadar
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay hadalkii ka soo yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee boqortooyada Kuweyt kuna saabsan in ay mira-dhaleen dedaaladda dib u heshiisiinta wadamadda Carbeed ee Sacuudi Carabiya iyo Qatar.
Soomaaliya ayaa bogaadisay dadaallada dhexdhexaadinta ee uu sameeyay amiirka geeriyooday ee Kuwait, Sheikh Sabah, ee lagu xallinayo Khilaafka saddex sano jirsaday ee dalalka Khaliijka.
Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay dadaalka Amiirka Kuwait, Amiir Nawaf Ahmed Aljabir, ee hogaaminta iyo bilaabidda wadahadallada lagu dhammaystirayo soo celinta xiriirka labada dal.
"Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah," ayaa lagu yiri qoraa kasoo baxay Villa Soomaaliya.
Dhawaqa Muqdisho ayaa yimid saacado kadib markii Sacuudiga uu furay xadka ay la wadaagaan Qatar, waxaana lagu wadaa inuu dib u furo xuduudda hawada iyo badda ee ku teedsan Soomaaliya maalin ka hor shirka dalalka Khaliijka oo lagu waddo in uu furmo Talaadada maanta ah.
Markii khilaafkii Khaliijku bilaabmay Juunyo 2017, Soomaaliya waxay qaadatay mawqif dhexdhexaad ah oo ku saabsan khilaafka u dhexeeya t h Wadamada Carabta, laakiin bilo kadib Muqdisho waxay muujisay ficillo u jaranjeera Qadar kuwaas oo ka carasiiyey Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Tani ayaa dhabaha waxay u xaartey in uu hoos-u-dhac ku yimaado cilaaqaadka Muqdisho kala dhaxeeyay Riyadh iyo Abu Dhabi.
Dooxa ayaa maalgelisay ololihii doorashooyinka Farmaajo ee 2016-kii, waxaana ay ku fekereysaa in ay xukunka kusii hayso coddeynta loo balansan yahay 2020-21 wallow uu wajahayo cadaadis xoogan oo kaga imaanaya musharaxiinta mucaaradka oo codsanaya hab doorasho oo daahfuran.
GAROWE ONLINE