Soomaaliya oo cabasho ka dhan ah Kenya u gudbisay UN-ka

Image

NEW YORK, US - Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ashtako ka dhan ah Kenya u gudbisay dhamaan xubnaha joogtada ah ee Qaramadda Midoobay kuwaasoo ku sugan magaaladda New York, xarunta ururkaasi.

Sidda ku cad qoraalka oo ku taariikheysan 5-tii bishan March, xukuumada Muqdisho ayaa tilmaamtay in Kenya ay faafineyso warar "aan sax ahayn" oo ku aadan muranka xuduuda badda, kuwaasoo ay la wadaageyso diblumaasiyiinta.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dhageysiga qoraalka ah ee kiiska muran badeedka u dhaxeeya labada dowladood ee deriska ah kaasoo horyaala ICJ uu qabsoomayo bisha September 2019.

Xukunka ugu dambeeya ee maxkamada cadaaladda aduunka ayaa lagu wadaa in uu soo baxo dabayaaqadda sanadka 2020-ka, sidda laga soo xigtay warka ay dowladda Soomaaliya soo saartay.

Cabashada ay Muqdisho u gudbisay Qaramada Midoobey, ayaa imaaneysa iyadoo todobaadkaan ay hogaamiyaasha Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xiriirka diblumaasiyadeed.

Cilaaqaadka oo xumaaday bishii hore ee Febuary ee lasoo dhaafay ayaa ka dambeeyay markii ay Kenya soo eriday safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Nairobi, iyada oo u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Muqdisho.

Dowlada Kenya ayaa la fahansan yahay in ay dooneyso in muran badeedka taagan lagu xaliyo qaab hoose taasoo madaxda Soomaaliya la sheegay in ay ka biyo diidan yihiin iyaga oo sheegay in ay ka war sugayaan xukunka ICJ.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM