Soomaaliya oo cambaareysay qoraalkii Imaaraadka Carabta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ee waqtiga uu ka dhamaadey ayaa cambaareysay qoraalkii shalay kasoo baxay Imaaraadka Carabta ee walaac looga muujiyey shaqaaqooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho isla markaana xukuumadda Farmaajo ku qeexay "ku meelgaar".

Cismaan Abuukar Dubbe, wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in bayaanka Abu Dhabi uu "daba-socdo" sheegashooyinka mucaaradka ee ku aadan "in aysan dalka ka jirin wax dowlad ah" iyo mudaaharaadka Jimcadii ku qabsoomay Muqdisho.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in "gacmo shisheeye" ay ku jiraan caqabadaha ku hor-gudban dhaqan-gelinta heshiiska 17-kii September.

Mr Dubbe oo weerar afka ah ku qaadey Imaaraadka ayaa rumeysan in qoraalkoodii shalay "uu muujinayo in ay qeyb ka ahaayeen dibin-daabyadii dalka ka dhacayey sanadihii lasoo dhaafay".

Balse masoo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa, isaga oo carabka ku dhuftey "in ay dhowaan shaacinayaan hay'adaha ku shaqada leh".

Mowqifka maamulada Puntland iyo Jubaland ka taagan yahay xal u helida khilaafka ka taagan doorashooyinka ayuu la xiriiriyey in ay ku fulinayaan Imaaraadka Carabta. Balse wuxuu mar kale ku guuldareystay in uu dadweynaha la wadaago macluumaadyo xoojinaya dhawaqa kasoo yeeray.

Dowladda Farmaajo ayaanan xiriir wanaagsan uusan kala dhaxeyn Imaaraadka Carabta afartii sano ee ay sharciyadda u haysatay hogaaminta waddanka, waxaana ay xiriir dhow la lahayd Qadar oo maalgelisay ololihii doorashada madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey ee sanadkii 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM