Soomaaliya oo dalab ku aadan deyn cafinta u gudbisay OIC

Image

MUQDISHO, Soomaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa ka qaybgalay shirka 46aad ee Gollaha Wasiiro Arrima Dibadeedyada Ururka Iskaashiga Islaamka kaasi oo Jimcadii ka qabsoomay magaaladda Abu Dubai ee caasimada Imaaraadka.

Shirka oo ay kasoo qeybgaleen inta badan dalalka xubnaha ka ah ururkaasi ayaa diiradda lagu saarey qodobo kala duwan oo ku saabsan xaaladaha wadamada Islam-ka oo ay ugu horeyso argagaxisada iyo khilaafka dhexdooda ah.

Axmed Ciise Cawad, ayaa khudbad uu ka jeediyay Shirka Ka sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay guullo ka gaartay dhinacyo badan oo amniga iyo dhaqaalaha, balse wali u baahan tahay taageeradda caalamka.

Wasiirka ayaa uga mahad-celiyey OIC dadaalada ay ku bixinayaan dib u soo celin nabada, xasiloonida Soomaaliya iyo garab-istaagooda dhowrida madax banaanida iyo midnimada dadka.

Cawad ayaa ka dalbaday dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaam-ka in ay ka taageeraan xukuumadda Soomaaliya ol'olaha ay wado ee ku aadan deyn cafinta, taasoo ay Ururo kale horey ugu gudbisay.

"Deyn cafinta waxay naga saacideysaa in aan dib u dhisno Soomaaliya, in aan dabar-jarno argagaxisada iyo inaan shaqaaleysiino dhalinyarada," ayuu wasiir Cawad Ka sheegay Shirka.

Soomaaliya ayaa horey dalab kan lamid ah waxay ugu gudbisay Ururka Jamaacadda Carabta iyo Midowga Yurub, inkasta oo go’aanka ugu dambeeya ay qaadan doonto hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo qiray in heerka uu maanta joogo dhaqaalaha Soomaaliya ay ugu qalanto in laga cafiyo deymaha, wallow uu ku adkeystay in ay jiraan waxyaabo u baahan in wax laga qabto.

Bishii October ee sanadkii hore 2018 ayay ahayd markii magaaladda Muqdisho ee caasimada dalka lagu qabtay shirka kooxda xiriirka ee Ururka Iskaashiga Islaamka, taasoo noqontay markii ugu horeysay sanado badan kadib.

Codsiga ay xukuumada u gudbisay ururka Iskaashiga Islam-ka ayaa kusoo aadaya iyadoo ay jiraan mashaariic ay OIC ka fulineysay Soomaaliya la joojiyay kadibna markii la musuqmaasuqay. [Halkaan ka akhriso]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Siilaanyo: Madaxwaynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida oo illaa haatan aanan fahfaahin laga bixin sababta keentay.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 08:23PM

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM