Soomaaliya oo digniin kasoo saartey xiisadda Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u sheegtey diblumaasiyiinta shisheeye in ay ka baaqsadaan wax ay ugu yeertay "faragelinta ay ku sameynayaan" xiisadda kala dhaxeysa dalka Kenya.

Isaga oo ka hadlayey xiritaanka Shirka Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, Maxamed Cabdirisaaq, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa xusay in qadiyadan ay kaliya ka dhaxeysa labada dowladood.

"Arrimaha ku saabsan xiriirka nagala dhaxeeyo deriskeena ma ahan qadiyad khuseysa wadahadalka madashaan," ayuu tibaaxay.

Cabdirsaaq oo sii hadlaya ayaa ku daray: "Soomaaliya waxay xormeyneysaa madax-banaanida iyo sharafta waddamada deriska la ah".

Dhawaqa wasiirka ayaa daba socda baaq kasoo yeeray ergayga Midowga Yurub u jooga Muqdisho, Nicolas Berlanga, kaasoo soo jeediyey in xiisadda la qaboojiyo lagana fogaado ficiladda ku saleysan "caadifadda".

"Fadlan iska dhowra dhawaaqyadda sii xoojinaya caadifadda," ayuu yiri Berlanga. "Taas waa in ay dhaqan-geliyaan Soomaaliya iyo deriskeeda, taas waa wax ay sameyneynaa Soomaaliya iyo deriskeeda".

Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka u fadhiya Nairobi isla markaana fartay danjiraha Kenya in uu waddankiisa ula laabto wadatashi. Muqdisho waxay talaabadaas u cuskatay "faragelin lagu sameeyay arrimaheeda gudaha".

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xustey in Kenya ay ku cadaadineyso hogaanka Jubaland in ay qaadacaan heshiiska doorashooyinka. Kismaayo iyo Nairobi waxay qashinka ku dareen eedeyntaas.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa sheegay in Nairobi ay noqoto "meelaha laga soo maleego hagardaamooyinka siyaasadeed ee ka dhanka ah dalka" wallow uusan caddeymo soo bandhigin.

Midowga Murashaxiinta oo ka digay in siyaasadda arrimaha dibadda loo adeegsado ololaha doorashooyinka 2020-21 ayaa madaxweyne Farmaajo xusuusiyey in Nairobi ay tahay meeshii uu ka ololeeyay sanadkii 2016.

Isniintii todobaadkan, Soomaaliya ayaa dadka ku safraya baasaboorka Kenya oo ay ku jiraan diblumaasiyiinta waxay ku wargelisay in aan fiisaha lagu siin doonin garoonka Muqdisho soona codsadaan kahor socdaalka.

Farmaajo oo muddo xileedkiisu bilooyin ka harsan yahay murashaxna u ah doorashooyinka soo aadan ayaa damacsan in uu xagaagan ololaha ku galo beegsiga Kenya sidda uu 2016-kii ugu oor-kacsaday waddanka Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM