Soomaaliya oo dunida u bandhigtay qaabka looga hortagi karo xag-jirnimada

Image
Image
Image
Image

BRUSSELS, Belgium - Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa magaalada Brussels ee Belgium uga qayb galay shir looga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha salka ku haya xag-jirnimada.

Shirka oo maanta furmay qorshuhuna yahay in uu soo xirmo berri oo Jimce ah ayaa si gaar ah looga hadlayaa sidii casharro looga baran lahaa hababka guulaystay ee dalalka Afrika ay u adeegsadeen Xag-jirnimada.

Si lamid ah, waxaa hadafka shirkaan laga leeyahay uu yahay in loo wadaago hannaanka ugu habboon ee xididaha loogu siibi karo fekradaha xag-jirnimadda loogana faa’iidaysto talooyinka khuburada.

“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan machadka nabadda ee Yurub, ka jeediyo khudbad aan uga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha Xag-jirnimada ku salaysan," ayuu Khadar yiri.

Mr Khadar oo sii hadlaya ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in la mideeyo quwadaha caalamka si looga taqaluso xag-jirnimadda.

"Nuuc kasta oo xag-jirnimo ah waxa uu nagu haysaa dhibaato. Waa in aan kula dagaalnaa wadajir, run-sheegid, fursadaha aan haysanno iyo wada shaqayn xooggan," ayuu raaciyay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa walwal ka muujiyay koritaanka kooxaha argagaxisada ah ee amni darada ka abuuraya dalal ay Soomaaliya ku jirto.

"Waxa aan ku jiraa xilli ay jirto caqabado dhanka amniga ah, jawaabteennu waa in ay ahaataa mid isku xiran oo xooggan,”, ayuu ra’iisul wasaare ku-xigeenku ka sheegay shirka Brussels.

Kulanka oo uu mari geliyay Mahadka Nabadda Ee Yurub (EIP) ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka soda Yurub, Afrika, Bariga, Dhexe, hay’ado calami ah iyo bulshada Rayidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM