Soomaaliya oo dunida u dirtay baaq ku aadan arrinta Falastiin

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Soomaaliya ayaa ku biirtay cambaareynta caalamiga ah ee ku aadan weerarada ay Yahuuda ka fulineyso dhulka la haysto ee Falastiin oo bilowday Isniinta todobaadkii hore.

Isaga oo ka hadlayey shir degdeg ah oo Ururka Iskaashiga Islaamka ka yeeshay qadiyadan, wasiiru dowlaha arrimaha dibada Soomaaliya ayaa xusay in Muqdisho ay garab-taagan-tahay Falastiiyiinta.

Balal Maxamed Cismaan oo hoosta ka xariiqay in shirkaas uu kusoo aaday "waqti aad loogu baahan yahay" ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dunida ay si wadajir ah u wajahdo xalka qadiyada.

"Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay sidaas darteed kula midoobeysaa dunida Islaamka inteeda kale baaqyada ah in la joojiyo dhuulaanka Israel ee dhulka Falastiin iyo in la xaqiijiyo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ee aayo-ka-tashi iyo in ay dhistaon dowlad u gaar ah iyada oo Bariga Qudus ay tahay caasimadeeda oo aan muran ka taagnayn," ayuu yiri.

Balal ayaa ku daray: "Waxay iska cad in dul balaarsiga Israel ee Falastiin ama sii wadida qabsashadda ay dhaawac aan ka soo kabasho lahayn u geysan karto rajada laga qabo xalka laba dowladood, sidaas darteedna, Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa u hoggaansamida hindisaha nabadeed ee Carabta oo ah ikhtiyaar istiraatiijiyadeed oo lagu xallinayo Falastiin-Israel, iyo iyadoo la raacayo dhammaan qaraarada Golaha Amniga ee khuseeya qadiyaddan".

"Waxaan sidoo kale ka codsaneynaa bulshada caalamka inay qaataan mas'uuliyadooda ku aadan baahida loo qabo in la joojiyo weerarada Israel ay ku hayso dhammaan dhulalka Falastiiniyiinta, lana ixtiraamo sharciyada iyo qawaaniinta caalamiga ah iyo in la soo celiyo xuquuqda dadka reer Falastiin oo ay ku jiraan xorriyadaha diineed," ayuu ka dhawaajiyey.

Ugu yaraan 150 qof oo 41 kamid ah ay yihiin caruur ayaa ku nafwaayey duqeymo todoba maalmood oo xiriir ah ay Israa'iil ka fulineyso Falastiin. Tal Aviv waxay maanta diidey xabad-joojin ay Xamaas ogolaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM