Soomaaliya oo eriday safiirka Kenya una yeertay danjiraha u jooga Nairobi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka ka jooga Kenya, Maxamed Axmed Nuur Tarsan, iyaddoo fartey Lucas Tumbo, danjiraha xukuumada Nairobi ka jooga Muqdisho "in uu latashi ugu laabto dalkiisa".

Maxamed Cali-nuur Xaaji, xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Tv-ga Qaranka ka akhriyey bayaan, ayaa sheegay in Nairobi ay "cadeystaay faragelin qaawan oo ay ku sameyneyso arrimaha gudaha Soomaaliya".

"Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqatay in dowladda Kenya ay si bareer ah u faragelineyso uruumaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyaddoo cadaadis ku haysa Madaxweynaha Jubaland, mudane Axmed Maxamed Islaam, si uu u fuliyo qorshaheeda ku aadan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadda ay ku gaareen Muqdisho 17-kii September, 2020," ayuu yiri Maxamed.

War-saxaafadeedka oo luuqad adag ku qornaa ayaa lagu sheegay in dhaqamada Kenya ay yihiin "kuwa ka baxsan curfiga diblumaasiyadeed ee dalal ay ka dhaxeyso dano iyo darisnimo waa dhaqan ka baxsan Axdiyada iyo Heshiisyada diblumaasiyadeed ee caalamiga ah".

Sidda laga soo xigtay qoraalkan, xukuumadda Muqdisho ayaan "marnaba aqbali doonin in lasoo farageliyo ama lagu dhaqaaqo fal kasta oo wax u dhimaya madax-banaanida iyo deganaanshiyaha dalkeena".

Muqdisho iyo Nairobi ayaan xiriirkooda hagaagsaneyn sanadihii ugu dambeeyay. Dacwadda badda, ku gacan-sareynta Jubaland iyo xayiraadda maandooriyaha Qaadka waa qodobada xudunta u ah is-mari-waaga labadda dhinac.

Dhanka kale, maamulka Axmed Madoobe ayaan wali ka jawaabin eedeynta kaga timid dowladda federaalka ee ku aadan in ay cadaadis kala kulmayaan Nairobi "si ay u carqaladeeyaan heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka".

Bishii Febraayo, 2019, Kenya ayaa u yeeratay safiirkeeda Muqdisho waxaana ay soo ceyrisay danjiraha Soomaaliya. Talaabadaas waxay timid markii dowladda Soomaaliya ay bilowdey iib-geynta saliida "aaga la isku hayo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Duqayn 

Ciidamada Maraykanka ayaa gacan ka geystay ka hortagga khataraha Al-Shabaab ku hayso dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 12:49PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Lacageed gaarsiisay Haweenka danyarta ah ee Gobolka Banaadir

Haweenkii ka faa ideystay ayaa uga mahad celiyay hay'adda Hormuud Salaam Foundation deeqda ay soo gaarsiisay.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 10:33AM