Soomaaliya oo garab-istaag u muujisay Falastiiniyiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay garab-taagan tahay Falastiin ayaa shaaca ka dhigtey in ay taageereyso dhismaha dowlad madax-banaan oo ay leeyihiin Falastiiyiinta taasoo caasimadeedu tahay magaaladda Qudus. Muqdisho waxay mowqifkeeda ku caddeysay shir ay yeesheen dalalka Jaamacada Carabta.

Dhanka kale,Dhuun ay leedahay shirkadda Tamarta ee dowladda Israa’iil ayaa waxaa ku habsaday gantaal laga soo gannay Gaza goor dambe oo Talaadadii ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xukuumada Tel Aviv oo la hadlay Reuters.

Muuqaalo uu sii daayay Channel 12 ayaa muujiyay olol ka kacaya wax u muuqda haan weyn oo shidaal oo u dhaw magaalada ka tirsan ee Israel ee Ashkelon kuna taala koonfurta caasimada Tel Aviv.

Balse shaqada warshadda oo ku taal Ashkelon ayaan ku imaan wax carqalad ah, ayuu ku daray TV-ga Channel 13 oo kamid ah telefishinadda maxaliga ah ee ka howlgala degaanadda maamulka Yahuuda.

Geesta kale, ururka Midowga Afrika ee magaciisa loosoo gaabiyo AU-da ayaa si kulul wuxuu u cambaareeyay weerarka Israel ku qaadey degaanada Falastiin oo uu kamid yahay Masjidka weyn ee Al Aqsa.

Qoraal ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha guddiga AU-da, Moussa Faki Mahamat "uu mar kale ku celinayo in ficilada ciidamada Israel, oo ay ku jiraan in ay sii wadaan qasab ku barakicinta Falastiiniyiinta ugana saarayaan guryahooda ku yaal Bariga Qudus, ay si weyn ugu xadgudbayaan sharciga caalamiga".

Cambaareyntan ayaa qeyb kamid noqoneysa kuwa caalami ah oo ka imaanaya dowlado, ururo iyo bulshooyin kuwaasoo Yahuuda ku eedeynaya in ay joojiso ficiladeeda gardarada ah ee ay ku beegsaneyso dhulka Falastiin. Sidoo kale, waxaa cambaareyntaas daba socota baaqyo ku saabsan xabad-joojin iyo in xasaradda biyo qabow lagu shubo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM