Soomaaliya oo Heshiis cusub la gashay Itoobiya [Akhri Qodobada]

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciysay inay heshiis cusub oo Taariikhi ah la gashay dowladda Itoobiya, xilli Villa Somalia ay cambaareyn kala kulantay heshiiskii is-afgaradka ee Farmaajo la galay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed June 2018.

Farmaajo ayaa u saxiixay Abiy Axmed Heshiis Is-afgarad ah oo Itoobiya ay ku maal-gashanayso dekedo ku yaalla dalka Soomaaliya, kuwaasoo dood badan laga keenay. [Halkan ka akhri Warka].

Qoraal lagu baahiyay bogga Facebook-ga Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi ah kaasi oo ku qotoma xushmad is dhaafsi, deris wanaag iyo ilaalinta madax banaanida iyo midnimada.

Heshiiskan ayaa waxaa lagu saxiixay Addis Ababa kadib kulan ay halkaasi ku yeesheen mas'uuliyiin sare oo ka kala socotay Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira iskaashiga laba geesoodka ee dhinacyada ammaanka, dhaqaallaha, biyaha iyo qodobo kale oo la xiriira xaaladda gobolka iyo dunida.

"Dhismaha Guddiga Wadaagga ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah si loo dhaqaajiyo xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee deriska ah si loo horumariyo, loona agaasimo qorshayaal horumarineed oo cusub oo faa'ido ugu jirto labada dal," ayaa lagu yiri qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM