Soomaaliya oo jago muhiim ka qabatay gole ka tirsan UN-ka
GENEVA, Switzerland - Ergayga Soomaaliya ee golaha xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay ayaa loo doortey in ay noqoto mid kamid ah afarta madaxwayne ku xigeen ee xafiiska golaha ee caasimada Switzerland ee Geneva.
Danjire Ebyan Saalax oo Soomaaliya ku meteasha golahaas ayaa waxaa la sheega in ay jagadaas sii hayn doonto mudada uga hartay xilheynta Ali Ibn Abi Talib Mahmoud, oo haatan ah wakiilka joogtada ah ee dowladda Suudaan.
Saddexda madaxwayne ku xigeen kale waa; Keva Lorraine Bain, ergayga gaarka ah ee Bahamas, Monique T.G. Van Daalen, oo metesha Netherlands iyo Yuri Borissov Sterk oo Bulgaria ku metela xafiisyadda UN-ka ee Geneva.
Ebyan ayaa waxay noqoneysaa haweenayda sadexaad ee kamid ah madaxwayne ku xigeenadda golahan marka lagu daro Keva iyo Monique taasoo ka dhigan in Yuri uu yahay shaqsiga kaliya ee ragga ah ee kamid ah qaanadaas.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Golaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay ee lagu shaaciyey doorashada oo lagu daabacay Twitter ayaan lagu fahfaahin waxa ku dhacay muddo xileedka ergayga dowladda Suudaan.
Madaxweynaha golahan waa Nazhat Shameem Khan oo tan iyo 2014-kii ah wakiilka gaarka ah ee dowladda Faji u qaabilsan xafiisyada UN-ka ee Geneva. Jagadan dheeriga ah waxaa loo doortey 15-ka bishii Janaayo, 2021-kii.
Golaha Xuquuqul Insaanka waa hay'ad ka tirsan UN-ka oo hadafkeedu yahay horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha wuxuuna ka kooban yahay 47 xubnood oo saddexdiiba sanaba mar la doorto iyaddoo lagu saleynayo heer gobol.
GAROWE ONLINE