Soomaaliya oo ka falcelisay hakinta Kenya ee dulimaadyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka duulista hawada xukuumada xilgaarsiinta Soomaaliya, Dufaan Axmed Faarax, ayaa sheegay in aysan fileyn go'aanka Kenya ku joojisay duulimaadyadda.

Duraan oo u waramay Idaacadda BBC-da ayaa go'aanka xukuumada Nairobi ku sifeeyay "mid sii fogeynaya" xiisadda dhextaala labada dal ee biyaha qabow lagu shubay todobaadkii lasoo dhaafay.

Hay'adda duulista rayidka Kenya ayaa Talaadada maanta ah waxay ku dhawaaqdey in ay hakisay dhamaan duulimaadyadda ka yimaada iyo kuwa tagaya Soomaaliya.

Sida ku xusan qoraal kasoo baxay hay'adda, go'aankan wuxuu saameyn doonaa dhinac walba rka laga reebo kuwa dhaawacyada ciidamada iyo howlaha bini'aadantinimada.

Hay'addu ma aysan faahfaahin sababaha laakiin waxay soo jeedisay inuu jiray amar amni oo ka yimid dowladda oo lagu xadidayo isu socodka diyaaradaha labada dal.

Go’aanka ayaa ka dhigan in aan la ogolaan doonin dhammaan duulimaadyada la kireystay iyo kuwa qorsheysan ee tagaya Soomaaliya. Si kastaba ha noqotee, duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya, ee maraya hawada Kenya kuna sii jeeda meel kale ayaa laga saaarey liiska.

Warkan ayaa lagu dhawaaqay xilli Madaxweynaha waqtiga ka dhacay ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu culeys saarey dalka Kenya isagoo kusii jeeda dalka Uganda si uu uga qeyb galo caleema saarka Madaxweynaha Yoweri Museveni.

Talaabaddan waxay imaaneysaa xilli Muqdisho ay diidey in ay xayiraado ka qaado Jaadka miiraha Kenya taasoo sababtay in Jaadleyda Kenya ay qasaaraan kumanaan doolarka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM