Soomaaliya oo ka gaabsatay qaraar liddi ku ah Mareykanka

Image

WASHINGTON, USA - Dowlada Soomaaliya ayaa waxay ku jirtaa afar dal kale kuwaas oo la aamusay qaraar ay Qaramada Midoobey ku cambaareyneyso xayiraadda dhaqaale ee Mareykanka ku hayo Cuba.

Wadamada kale ee qaraarkan golaha loo-dhan-yahay ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa meelmaryey 23-dii bishan June, 2021 ayaa waxay kala yihiinCentral African Republic, Myanmar iyo Moldova.

Xukuumadda Washington ayaa dhankeeda waxay ka coddeysay qaraarkaas oo helay taageerada illaa 193 dowladood taasoo la macno ah in uu ansixiyey Golaha Guud ee UN-ka.

Rodney Hunter, isu-duwaha arrimaha siyaasadda howlgalka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa diidmada ku sababeeyay in xayiraada ay aas-aas u tahay in Cuba ka hirgasho dimuqraadiyad.

"Cunaqabateyntu waa dariiqa sharciga ah ee lagu gaari karo siyaasada arimaha dibada, amniga qaranka, iyo ujeedooyinka kale ee qaranka iyo kuwa caalamiga ah," ayuu hadalkiisa ku daray Mr. Hunter.

Maamulkii Donald Trump ayaa Cuba kusoo rogay xayiraadan dhanka dhaqaalaha isaga oo burinaya talaabada uu xiriirka labadda waddan kusoo celiyey madaxweynihii xilka kaga horeeyay ee Obama.

Wasiirka arrimaha dibedda Cuba, Bruno Rodriguez, ayaa ku eedeeyay maamulka Biden inay raaceen siyaasadihii maamulka Trump ee adkeeyay cunaqabateynta dhaqaale, ganacsi iyo dhaqaale iyo xaddidaadda safarka muwaadiniinta Mareykanka taasoo dhabar jab ku ah waaxda dalxiiska sababtayna inuu dalka ka dhaco khasaarihii ugu badnaa ee lagu qiyaasay ku dhowaad $5bilyan.

Mowqifka aamusnaanta ee Soomaaliya ay ka qaadatay qaraarkan lagu cambaareynayo Mareykanka ayaa yimid xilli Cuba ay Muqdisho u kaashaneyso soo furashada dhakhaatiir u afduuban Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM