Soomaaliya oo ka hadashay rabshadaha Koonfur Afrika

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay mowqifkeeda ku aadan banaanbaxyada rabshadaha wata ee ka dhashay xariga madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ee Jacop Zuma.

Ugu yaraan afar Soomaali ah ayaa la wariyey in ay ku naf-waayeen qulqultooyinkan, halka tobanaan kale ay si dirqi ah uga badbaadeen falalka boobka markii banaanbaxayaasha careysan u dhaceen xarumahooda.

Wasaarada arrimaha dibada xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa war-saxaafadeed ay soo saartey waxay ku sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay beegsiga ajaaniibta gaar ahaan Soomaalida.

Sida ku xusan bayaankan lagu faafiyey baraha internet-ka ee wasaarada, Muqdisho ayaa ka codsaneysa Koonfur Afrika in ay xaqiijiso badbaada muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo xuquuqdooda aas-aasiga ah.

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa walaaceeda qotada dheer oo ku saabsan rabshadihii iyo bililiqadii ay ku dhinteen afar qof oo Soomaali ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen mehradahoodana oo ay dhac ka geysteen tuugo hubaysan meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka KwaZulu-Natal ee Koonfur Afrika 72-dii saacadood ee la soo dhaafay," ayay tiri.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa dowladda Koonfur Afrika in ay muujiso dedaal badan si looga ilaaliyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed falalka arxan darrada ah, loona hubiyo badbaadada noloshooda, xarumahooda iyo ilaalinta xuquuqdooda".

"Soomaaliya waxay ku faantaa cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka Koonfur Afrika xilliyadii halganka ay kala soo horjeedaan midab kala sooca iyo heerka ay gaarsiisan tahay siyaasada, dhaqaalaha iyo taageero istiraatiiji ah oo ay bixisay in muddo ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Zuma oo taageereyaashiisa ay yihiin dadka banaanbaxa dhigayey ayaa loo haystaa eedeymo musuqmaasuq ama wax is-dabamarin gaar ahaan heshiis dhanka ciidamadda ah kaasoo qalinka lagu duugay sanadkii 1999-dii. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM