Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shir ka furmay Nairobi xili ay horey u diiday

Image
Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo muuqatay shir caalami ah oo Arbacadda maanta ah ka furmay magaaladda Nairobi, caasimadda waddanka Kenya.

Dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ayaa waxaa kulankaasi ku melata Cabdi Saciid Cali, kaasoo ah lataliyaha dhanka amniga ee madaxweyne Farmaajo.

Shirkaasi oo muddo laba maalmood ah socon doono ayaa waxaa si rasmi ah u furay xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay, António Guterres.

Madax kala duwan oo uu ku jiro hogaamiyaha dalka martigelinta shirka, Uhuru Kenyatta ayaa xaadir ku ahaa munaasabadda furitaanka.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa soo agaasintay shirkan oo looga arrinsanayo dagaalka ka dhanka ah argagxisada iyo ciribtirka xagjirnimadda.

Mr Saciid ayaa Twitter-ka ku yiri: "Waxaan matalayaan horumarka ay Soomaaliya ka sameysay siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha taasi oo ah xididka argagixisada, howlgalada xorreynta iyo taageeridda muwaadiniinteena".

Ka qeybgalka Soomaaliya ee kulankan ayaa imaanayaa iyadda oo ay taagan tahay xurguf u dhaxeysa labadda dowladood oo ku aadan xuduud badeed, ay go’aan ka gaareyso Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.

Xiisadaasi oo weli taagan ayaa waxaa meel adag gaarsiisay cilaaqaadka xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi, kuwaasi oo la halgamaya ka adkaanshiyaha kooxda Al-Shabaab.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa horey u qaadacdey shirar ka dhacay Kenya si gaar ah Nairobi oo uu ku jiro mid ay wada hadalo kula yeelan lahayd wakiilo ka socda maamulka Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga mamnuucay mas'uuliyiinta in ay ka qeybgalaan shirarka Nairobi, wallow aanan la ogayn waxa haatan keenay isbedelka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM