Soomaaliya oo khatar ugu jirta xaalad macluul ah

Image
Dalka waxaa ka taagan abaartii ugu darneyd tan iyo sanadkii 2011-kii ka dib markii ay baaqdeen saddex xilli oo roobaad oo xiriir ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Abaaro ba’an ayaa meelo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ka mid ah gelinaya halis dheeraad ah oo macluul ah iyadoo cunto yari, nafaqo darro iyo dhimasho ay uga sii darayso sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.

Marka loo eego Warbixinta dawladda Soomaaliya, hay'adaha gargaarka iyo khubarada sugnaanta cuntada, xaaladdu way ka sii dari doontaa ugu yaraan bisha Sebtembar haddii xilli-roobaadka Gu'ga (dhammaadka March ilaa Juun) wax-soo-saarka dalagga iyo xooluhu ay sii xumaadaan, qiimaha cuntada kor ayey u sii kacaysaa, gargaar bini'aadantiina lama gaarsiin dadka aadka u baahan.

Hay’adaha ayaa sheegay in xaaladda gobolka Bay ay si gaar ah u khusayso maadaama heerkii nafaqo-xumada ba'an ay soo food saartay degmada Baydhabo.

"Iyadoo kala soocidda macluusha ay u baahan tahay ugu yaraan laba ka mid ah saddexda shuruudood in la buuxiyo, kororka heerka nafaqo-xumada ba'an iyo dhimashada ayaa muujinaysa in khasaare naf iyo maalba uu mar hore dhacay," ayay hay'aduhu ku sheegeen hadal ay si wadajir ah uga soo saareen magaaladda Muqdisho.

Warbixintu waxa ay sheegtay in cunto yarida ba'an ay sii socoto oo ka sii daraysa guud ahaan Soomaaliya, iyadoo lagu qiyaasay 5.2 milyan oo qof (ama 33 boqolkiiba tirada guud ee dadweynaha) ay hore u soo mareen dhibaatooyin ama natiijooyin ka sii xun, oo ay ku jiraan 38,000 oo qof oo laga yaabo in ay masiibo ku jiraan, laga bilaabo May, in kasta oo ay socoto gaarsiinta gargaarka cuntada bani'aadamnimada.

Warbixintu waxa ay sheegtay in gargaar cunto uu gaaray celcelis ahaan 2.4 milyan oo qof bishii February iyo April waxana ay u badan tahay in ay ka hortagto ka sii xumaanshaha sugnaanta cuntada iyo nafaqada ee meelo badan.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, cunto yarida iyo nafaqo-xumada ayaa la filayaa inay si degdeg ah uga sii darto inta u dhaxaysa bilaha Juun iyo Sebtembar, haddii gargaarka cuntada bini'aadantinimo aan la kordhin lana joogteyn maadaama ku dhawaad 7.1 milyan oo qof (ama 45 boqolkiiba tirada guud ee dadweynaha)  la filayo in ay waajahaan dhibaato ama natiijooyin ka sii xun.

Hay'aduhu waxay sheegeen in si degdeg ah oo wakhtiga ku habboon loo kordhiyo gargaarka bini'aadantinimo ee isku dhafan si looga hortago cunto yari ba'an iyo nafaqo-xumo ba'an, oo ay ku jiraan gaajo iyo dhimasho xad dhaaf ah, meelaha ay soo food saartay khatarta sii kordhaysa ee macaluusha ugu yaraan Sebtember.

"Gaar ahaan, natiijooyinka nafaqa-darrada iyo dhimashada ee Baydhabo iyo Buurhakaba ee gobolka Bay waxay durbadiiba tilmaamayaan xaalad aad u walaac badan laga bilaabo May 2022," ayaa lagu yiri warbixinta Qaramada Midoobay.

Dalka waxaa ka taagan abaartii ugu darneyd tan iyo sanadkii 2011-kii ka dib markii ay baaqdeen saddex xilli oo roobaad oo xiriir ah, taasoo keentay in ay baaba'aan xoolihii iyo dalagyadii beeraha. Soomaaliya ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM

Jubaland oo Wadahadal ugu baaqdey dowladda Soomaaliya

Wasiirka oo VOA ay wareystay ayaa ka hadlay soo noqoshada uu Kismaayo ku soo noqday Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo Kenya.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 07:20AM