Soomaaliya oo kordhisay xilliga bixinta shatiga shidaalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kordhisay waqtiga ay bilaabeyso daahfurka wareega koowaad ee bixinta shatiyada shidaalka badda ee waddanka.

Qoraalka kordhinta oo kasoo baxay Hay'adda Batroolka Soomaaliya ayaan lagu soo bandhigin xilliga xigta ee ay bilaabaneyso daahfurka oo kalkii hore qorshuhu ahaa 30-ka bishii hore ee June, 2021.

Sanadkii la soo dhaafay, Dowladdu ayaa waxay soo bandhigtay 7 baloog oo ku kala yaala Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur-galbeed iyo Jubaland, kuwaas oo shirkadaha ku tartamayaan wareega 1aad.

"Wasaaradda Batroolka ayaa ka shaqeynaysa jadwalka cusub oo ay ku jiri doonto waqtiga uu soo xirmayo wareega koowaad," ayaa la yiri war-saxaafadeedkan uu arkay bogga Garowe Online.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in sababaha keenay dib-u-dhaca ay qeyb ka tahay in jadwalkii hore ay cabasho ka keeneen qaar kamid ah xubnaha ururka ay ku mideysan yihiin daneeyeyaasha shidaalka.

"Jadwalka cusub wuxuu kusoo bixi doonaa 14-ka maalmood shaqo gudahooda," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalkan oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee wareega 1aad ee ruqsad bixinta shidaalka dalka.

Daahfurka Wareegga Shatiga ayaa lagu sheegay in uu astaan ​​u yahay marxalad taariikhi ah oo lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya isla markaana uu isbedel noqonayo kobaca Qaranka.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM