Soomaaliya oo ku biirtay dalalka Afrika ee ay haweenay maamusho magaalo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Todobaadkan magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya waxay yeelatay haweenaydii ugu horeysay guud ahaan wadanka taasoo duq magaalo noqota, waana Safiya Xasan Sheekh Cali Jimcaale.

Taariikhdaasi oo ay sameysay waxaa u suurtogeliyey magacaabis ka timid Maxamed Cabdi Waare, hogaamiyaha maamul goboleedka HirShabelle, oo magaaladaasi ay hoostagto.

Safiya, ma ahan xilkii koowaad oo ay qabato, waxay horey u soo noqotay gudoomiyaha maamulka degmada Shibis ee gobolka Banaadir, halkaasi oo ay sidoo kale xilal hoose kasoo qabatay.

Iyadda oo u warameysa laanta af Soomaaliga ee VOA-da ayay shaaca ka qaaday in aysan wajahaynin wax walwal ah, balse ay isku deyi doonto in ay wax ka qabato arrimo tagaan, mudada ay xilka hayso.

Tani ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqotay waddamada qaarada Afrika ee ay qof dumar ah ay ka tahay duq magaalo.

Liisaska dalalka Afrika ee magaalooyinka ay dumar maamulaan ayaa kala ah sidaan hoose ku xusan;


Sierra Leone [Freetown] = Marwo Yvonne Aki Sawyerr

Rwanda [Kigali] = Marwo Marie-Chantal Rwakazina

The Gambia [Banjul] = Marwo Rohey Malick Lowe

Senegal [Dakar] = Marwo Soham El Wardani


Beledweyne, magaalo ka kooban degmooyin, ayaa ah xarunta gobolka Hiiraan. Waxaa mara webiga Shabeelle oo Bari iyo Galbeed u kala qeybiya caasimada, waxayna 210 mile ay u jirtaa caasimada dalka ee Muqdisho.

Haweenka Soomaaliyeed oo bulshada iyo siyaasada aysan kasoo muuqan jiray sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxay iminka u muuqdaan kuwa sameynaya guulo dhiirogelinaya gabdhaha soo koroya.

Sanadihii u dambeeyay haweenka Soomaaliya ayaa kaalin fir-fircoon ku lahaa xeer-dejinta, ciidamada qalabka sida [booliska iyo milatariga] iyo Golaha Wasiiradda, wallow tiradoodu ay ku yar-tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM