Soomaaliya oo la wareegtay shir gudoonka wasiirada Jamaacada Carabta

Image

QAAHIRA, Masar - Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah ula wareegtay shir gudoonka gollaha wasiir arrima dibadeedyadda ururka Jamaacadda Carabta, kaasoo ay hayn doonto mudo lix bilood ah.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka xiriirka iyo iskaashiga caalamka ee xukuumada Federaalka ah ayaa isla maanta wuxuu gudoomiyay kulankii 151-aad oo uu yeesho gollahaasi.

Shirkaan oo ka qabsoomay magaaladda Qaahira ee caasimada dalka Masar ayaa looga hadlay qodobo kala duwan, inkasta oo uu quseeyay la wareegista Soomaaliya ee shir gudoonka.

Wasiir Cawad oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in mudada uu shir gudoonka hayo uu Golluhu yeesho kulamo wax ool ah kuwaasoo ay kasoo baxaan natiijo fiican.

Cawad ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo casho sharaf ay Soomaaliya u sameyneyso in ka badan 300 diblumaasi oo ay ku jiraan wasiir arrima dibadeedyada, taasoo ah mahadcelin.

Ururka Jamaacada Carabta oo la aas-aasey 1945-tii ayaa waxaa ku mideysan 22-dal, xili Soomaaliya ay ku biirtay 1974-tii markaasoo ay ku beegneed 14-sano kadib markii ay xorriyada soo ceshatay.

Waa markii ugu horeysay sanado badan kadib in ay Soomaaliya la wareegto shir gudoonka gollaha wasiir arrima dibadeedyadda Ururkaasi, talaabo siineysa dalka leh xeebta ugu dheer Afrika maqaam sarre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM