Soomaaliya oo laga reebay dalal xayiraad socdaal laga qaadey

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Socotada kow iyo tobban [11] dal oo ay ku jirto Imaaraatka ayaa loo oggolaan doonaa inay mar kale galaan Sacuudi Carabiya laga bilaabo maanta, sida ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

Go’aankan ay shalay shaacisay Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Sacuudiga ayaa xayiraada ka qaadaya Imaaraatka, Jarmalka, Mareykanka, Ireland, Talyaaniga, Boortaqiiska, UK, Sweden, Switzerland, France iyo Japan.

"Dadka ka imanaya dalalkan waa inay karantiil ku noqdaan markay yimaadaanba," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Gudaha boqoqrtooyada lana soo marsiisay warbaahinta dowladda.

Wadamadan ayaa ka mid ahaa 20 wadan oo laga joojiyay in muwaadiniintooda ay galaan Sacuudi Carabiya bishii Febraayo sababo la xirira si looga hortago faafitaanka safmareenka halista ah ee Coronavirus.

Xayiraaddaas ayaa, sida ku xusan bayaanka, waxaaa lagu dabaqay socotada sugaal ku noqota mid ka mid ah dalalkan laba toddobaad ka hor intaanay u gudbin ama gelin boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Afghanistan, Armenia, Belarus, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Hindiya, Iiraan, Lubnaan, Liibiya, Soomaaliya, Suuriya, Turkiga, Venezuela iyo Yemen ayaa ah dalalka laga reebay in laga qaado xayiraada.

Maamulka baasaboorka Sacuudiga ayaa ku booriyay dhammaan socotada, oo ay ku jiraan muwaadiniinta Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo kuwa haysta fiisooyinka cusub, in ay muujiyaan caddeynta tallaalkooda Covid-19.

Is-diiwaangelintaas ayaa ku dhaxeysa si elektaroonig ah kahor imaatinkooda, "iyaga oo adeegsanaya bogga diiwaangelinta tallaalka Muqeem," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka Wasaarada Arrimaha Gudaha Sacuudiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM