Soomaaliya oo looga dhawaaqay xaalad deg-deg ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Arbacadii waxay ku dhawaaqdey xaalad deg-deg ah sababo la xiriira Ayaxa kusoo laba-kacleeyay Bariga qaaradda Afrika ama Geeska Afrika.

Sidda uu baahiyey telefishinka dowladda, Wasaaradda Beeraha xukuumadda Muqdisho oo iclaamisay xaaladdaas deg-deg ah ayaa tibaaxdey in Ayaxa uu fara ba'an ku hayo gobolada ku yaala koonfurta waddanka.

Soomaaliya ayaa la sheegay in ay haatan wajaheyso dhibaatooyin bini'aadanimo oo aysan horey ula kulmin kadib dilaaca safmareenka Covid-19, fatahaadyo daran iyo Ayaxa oo kamid ah kiisaskii ugu dambeeyay ee dalka.

Hay'adda Cunada iyo Beeraha Qaramada Midoobay [FOA] ayaa ka digtay in diyaaradaha Soomaaliya iyo Kenya kawada howlgalada la dirirka Ayaxa ay shaqada joojiyaan sababo ku daa'an maalgelin la'aan.

FOA ayaa rumeysan in duulaanka Ayaxa ku hayo Geeska Afrika ay ugu wacan tahay isbedelka cimilada iyo duufaantii Gati ee Badweynta Hindiya taas oo kusoo afjarantay xeebaha Soomaaliya dhamaadka 2020-kii.

War-saxaafadeed kasoo baxay FOA ayaa waxaa looga digay roobab iyo dabaylo soo fool leh ay uga sii dari karaan duulaanka Ayaxa isla markaana ay u sii faafi karaan "illaa ay garaan xaalad aan la xakameyn karin".

Dominique Burgeon, agaasimaha FOA ee Xaaladaha Deg-deg iyo Iska-caabinta, ayaa wariyeyaasha u sheegay in qiimeyntooda ay muujineyso in sanadkan 2021-ka uu ka cuslaan doono kii hore marka loo eego jooga ay ku duulayaan Ayaxa oo uu tibaaxay in isbedel weyn uu ku yimid.

Shan iyo tobban kamid ah 47 dal ee deriska la leh Kenya ayaa la kulmay hirka labaad ee Ayaxa taas oo la macno ah in ay kusoo fool leeyihiin Soomaaliya iyo Itoobiya kuwaas oo isku diyaarinaya ka hortagooda.

Dowladda Kenya ayaa iclaamisay in hirka labaad ee Ayaxa uu soo gaarey waddankeeda kuna sii jeedo koonfurta Soomaaliya.

Sida Soomaaliya, wadamadda uu saameeyay duulaanka Ayaxa waa kuwa dalaga caan ku ah halkaas oo xoola dhaqatada iyo reer miyigu noloshooda inta badan ku tiirsan tahay wax-soo-saarka dhanka beeraha iyo xoolaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Lacageed iyo Raashiin gaarsiisay Dad Dan yar Ah

Dhanka kale, Hay'adda Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed waxay gaarsiisay Ururka Haweenka Qaranka.

  • Soomaliya

    02-03-2025

  • 02:00PM

Warbixin: 600 oo qarax oo ka dhacay Soomaaliya sanad gudihiisa

Falanqeeyayaasha amniga ayaa sheegaya in xasiloonida Soomaaliya ee muddada dheer aysan ku xirnayn kaliya burburinta qaraxyada.

  • Soomaliya

    02-03-2025

  • 12:48PM