DF Soomaaliya oo wadahadalo la fureysa Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay xaqiijisay in ay albaabada u furtey wadahadal ay la gashay dhigeeda Kenya si loosoo afjaro xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex-aloolsan.

Maxamuud Cabdirisaaq Maxamed, wasiirka arrimaha dibadda, ayaa si cad u sheegay in wadaxaajoodka ay ku aqbaleen cadaadis kaga yimid hogaamiyeyaasha wadamadda xubinta ka ah IGAD intii uu socday shir-madaxeedkii IGAD ee Jabuuti.

"Dowladda Soomaaliya aad iyo aad ayay ugu diyaar-garowday in shirkaas ay kusoo bandhigto oo ay kaga hadasho eedeymaha ay u soo jeedisay Kenya hasayeeshee madaxdii ka qeybgashay waxay aad ugu cadaadiyeen Soomaaliya in arrintan [khilaafka Kenya] lagu xaliyo IGAD dhexdeeda oo uu noqdo mid laga gaaro is-afgarad talaabada ugu horeysana ay tahay in xaaladda la dejiyo," ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtay wasiir Maxamed, xukuumadda Muqdisho ayaa kaliya soo bandhigi karta qaar kamid ah tabashooyinka ay ka tirsaneyso Nairobi.

"Soomaaliya taas way ogolaatay laakiin waxaan ku xirnay shuruud ah in loo saaro guddi. Arrimaha ay Soomaaliya ka ashtakooneysay waxay ahaayeen dhowr arrimood qaarkood aan idinla hadli karno qaarkoodna aan idinka gaabsan doono maadaama howshaasi ay wali socoto," ayuu ku daray isaga oo qeyb kamid ah Madaxtooyada ka hadlaya xarumo warbaahineed oo lasoo xulay.

Qodobka "ugu culus uguna deg-degta badan" ee Nairobi ku haystaan ayuu ku qeexay "jabhadda laga soo abaabulay Kenya" arrintaas oo uu hoosta ka xariiqay in loo saarey guddi xaqiiqo raadin ah oo warbixin soo gudbin doona.

"Soomaaliya iyo Kenya way ku qasban yihiin in ay xiriirkooda soo celiyaan," ayuu kaga jawaabay su'aal ay saxaafadda hor-dhigtay isaga oo cuskaday xiriirka taariikhiga ah, khatarta Al-Shabaab iyo danaha kale ee ay wadaagaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM