Soomaaliya oo sababeysay rabitaanka in xayiraada hubka laga qaado

Image

WASHINTONG, US – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xayiraad dhanka hubka ee saaran Soomaaliya waxa uu cusbooneysiiyay horaantii sanadkaan 2019 xili laga qaadey Eritrea.

Cunaqabeyntaasi oo garka loo geliyay dalka kadib burburkii dhacay ayaa waxaa qiil looga dhigay colaadihii dhacay iyo in dadka aysan helin hub maadaama dhexdooda ay dirir ka dhaxeysay.

Xukuumadihii talada isaga kala soo dambeeyay ayaa xusul-duub waxay u galayn in xayiraadaasi laga qaado wadanka, iyada oo mid walba ay soo gaarsiisay mar-xalado kala duwan, inkasta oo aysan muuqan guul.

Dowladda uu hogaamiyo madaxwayne Farmaajo ayaa dhowr jeer ka dalbatay Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa, iyada oo ku doodeysa in la joogo waqtigii lasoo afjari lahaa arrinkaasi.

Xukuumada ayaa sidoo kale tibaaxeysa in xayiraada hubka ee saaran ay ka hortaagan wadanka in uu Al-Shabaab kaga guuleysto dagaalka sii daba dheeraaday, maadaama ciidanka dowlada aysan haysan hub culus.

Farmaajo oo intii uu ol'olaha ku jiray waxa uu balanqaaday in dagaalka kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida kusoo afjareyso dowladiisa laba sano ah ayaa fashilka dhankaasi ah dusha u saarey saraakiisha ciidanka.

Lataliyaha Amniga Qaranka, oo dhowaan warbixin kooban ka siiyay Guddiyada Xayiraadaha Saaran Soomaaliya ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobay, ayaa mar kale ku cel-celiyay rebitaanka xukuumadda.

Cabdisaciid Maxamed Cali ayaa hoosta ka xariiqay xayiraada ay saameyneyso horumar uu ka dhawaajiyay in maamulka Farmaajo uu ka gaarey dhinacyada amniga, siyaasada iyo dib u habaynta maaliyadda.

"Waxaan dooneynaa in nagala caawiyo dib u dhiska ciidanka iyo keydinta rasaasta," ayuu daba dhigay, isaga oo raaciyay "Iyo ka hor-tegista hub, rasaas iyo taageero kale oo argagixiso hesho," ayuu xusay.

Hadalka lataliyaha ayaa imaanaya iyada oo amniga wadanka gaar ahaan Muqdisho uu yahay sii xumaanaya iyada oo Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay caasimada ka geysaneyso.

Si lamid ah waxa uu kusoo aadaya iyada oo uu baaqday Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee lagu waday in todobaadkaan uu ka furmo magaala madaxda ee Muqdisho. [Halkaan ka akhriso sababta]

Khuburada dhanka amaanka ah ayaa ku sababeeyay dhaqdhaqaaqa Shabaab ee sare u kacay markii ay kordheen duqeymaha uu Mareykanka kula beegsanayo dhulka miyiga ah taaso ku kaliftay in ay magaalooyinka kusoo cararaan.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Sabtidii shaaciyay in duqeyn uu Jimcadii ka fuliyay degaan ku dhow magaalada Jamaame ee Jubada Hoose uu ku kharaajiyay laba kamid ahaa maleyshiyaadka gacan-saarka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM