Soomaaliya oo ka ashtakootey in Kenya ay "dal" ku sifeyso Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaa Axadii looga yeeray safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho, Lucas Tumbo, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Mr Tumbo ayaa waxaa wax laga weydiiyey qoraalkii dhowaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha xukuumadda Nairobi kaasoo "dalka" ku tilmaamay maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland.

Wasaaradda ayaa danjiraha ku wareejisay warqad cabasho oo ka dhan ah qoraalkaasi, kaasoo ay ku tilmaamay "duulaan aargoosi ah", sidda ku cad war-saxaafadeed ku taariikheysan 1-da bisha Julaayo.

"Waxaan u aragnaa qoraalkaasi mid ka dhan ah madax banaanida, wadajirka iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya. Si lamid ah wuxuu dhaacayaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka muranka dhaliyey ayaa yimid kadib kulan ay Nairobi ku yeesheen wasiirka xiriirka caalamka ee Somaliland, Mr Faratoon iyo Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Kenya arrimaha dibadda Kenya.

"Soomaaliya waxay u taagan tahay deris wanaag, ixtiraam iyo iskaashi dhow oo ay la yeelato deriskeeda, isla markaana waxay Kenya ka fileysaa sidaasi," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Jawaabta Muqdisho ayaa waxay u muuqata "tii ugu kululeyd" ee ay Kenya siiso oo ku aadan talaabooyinka dowladda Kenyatta ay cadaadineyso xukuumada federaalka.

Xiisada labada waddan ayaa daaran xuduud dhul badeed, taasi oo bisha September ay dib u bilaabeyso Maxkamadda Cadaaladda Aduunka dhageysiga dacwadiisa.

Monica Juma, wasiirka arrimaha dibadda Kenya, oo sharaxaad ka bixineysa mowqifka dowladeeda ee Somaliland ayaa tilmaamay in ay kaliya difaacanayaan danahooda. [Halkan ka akhriso]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM