Soomaaliya oo sanadkii 4aad safka hore ka gashay dalalka ugu halista badan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga difaaca Saxafiyiinta (CPJ) ayaa soo saarey warbixintiisa 2018 ee ugu hadlayo dalalka ugu badan ee lagu dilo suxufiyiinta caalamka, iyadoo Soomaaliya sanadkii 4aad ka gashay safka hore.

CPJ ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay meelaha aan ka jirin isla xisaabtanka, ee dilayaasha wariye-yaasha ay xor yihiin, taasoo keentay in dalkan ku yaalla geeska Africa safka hore ka galo liiska.

Soomaaliya ayaa ku jirta liiska hore, laba dal ayaa dib ugu laabtay, sida Afghanistan halkaas oo weerar ismiidaamin ahaa ee lala beegsaday koox wariye-yaal ah oo ku sugnaa Kabul, kaas oo dilay sagaal.

Ku dhawaad 70 suxufi ayaa Soomaaliya lagu dilay tan iyo 1991-dii, kuwaasoo intooda babadan la dilay wixii ka dambeeyay 2007, iyadoo sanadkan 2018 kaliya lagu dilay gudaha dalka 3 wariye.

Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ugu khatarta badan oo suxufi uu ka howlgalo, iyadoo sababtuna ay tahay amni la'aanta iyo inaysan jirin hay'ad ama dowlad la xisaabtanta kuwa tacadiyada iyo dilalka geysta.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, ugu yaraan 324 suxufi ayaa lagu aamusay dil caalamka oo dhan, waxaana jirin cid loo soo xiray, oo cadaallad loo horkeenay 85% kiisaskan dilalka wariye-yaasha ah.

In ka badan saddex meelood meel (82 boqolkiiba) kiisaskan ayaa ka dhacay 14 waddan oo lagu soo daray liiska CPJ ay kasoo saarto sanad walba dhibaatooyinka suxufiyiinta ku kala sugan dunida dacaladeeda.

Inta badan dhibbanayaasha waa saxafiyiin maxalli ah. Meelaha ay ka dhacaan colaadaha iyo rabshadaha oo Africa iyo Asia uguu badan, halkaasoo lagu dilo ama lagula kaco tacadiyo kale suxufiyiinta soo tebiya musuq-maasuqa, dembiyada iyo ku xad-gudubka xuquuqul insaanka.

Soomaaliya waxaa ka jira maamullo dhowr ah, oo degaanada ay ka taliyaan ka jirto cuburin lagu sameeyo warbaahinta madaxa-banaan, waxaana dhibaatooyinkan ku qasabtay wariye-yaal badan inay dalka ka cararaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM