Soomaaliya oo shaacisay labo qaab oo loo xalin karo khilaafka Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa looga jawaabay bayaanka 21-kii bishii hore kasoo baxay dhigeeda Kenya.

War-saxaafadeed ku taariikheysan 25-ka Febraayo 2019 ayaa lagu beeniyay sheegasho ka timid wasiirka arrimaha dibada dalka Kenya, Monica Juma oo ku saabsan muran badda.

Juma ayaa ku xustay hadal ay warbaahinta siisay in Soomaaliya ku iibgeysay shirkii magaalada caasimada ah ee London xirmooyin Shidaal oo ku jira goobta ay isku hayaan labada dal ee dariska ah.

"Dowlada Soomaaliya waxay dabagashay hadalka Juma, wuxuuna u muuqdaa mid ku saleysan kala aragti duwanaanshiyaha xaqiiqooyinka," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaarada uu madaxda u yahay Axmed Ciise Cawad.

Soomaaliya oo ku waanisay Kenya in laga wada fogaado wax kasta oo sii xumeynaya muranka ayaa soo bandhigtay labo qaab oo loo mari karo xal loo helo khilaafka wali taagan.

"Hadii uu sii socdo walwalka Kenya, dowlada Soomaaliya waxay caddeynaysaa in kala aragti duwanaanshiyaha la xalin karo iyada oo la marayo qaab diblumaasiyadeed iyo maxkamad," ayaa lagu xusay qoraalka.

Tani ayaa meesha ka saarey damac ku jira Kenya kaasi oo la tibaaxay in uu yahay in si hoose loo dhameeyo kiiskaan iyada oo ay garwadeen ka noqonayaan Ururada IGAD iyo Midowga Afrika oo ay xubin ka yihiin labada dal.

Xukuumada Muqdisho oo balanqaaday in aysan howlo hal dhinac ah ka sameyn doonin aaga lagu muran yahay ayaa ku tartarsiisay Kenya in ay ixtiraamto go’aan kasta oo kasoo baxay ICJ.

Ugu dambeyntii, qoraalka ayaa hoosta looga xariiqay in wasaarada ay wali diyaar u tahay in ay wadashaqeyn dhow la yeelato dhigeeda Kenya, inkasta xiriirka uu gaarey meeshii ugu hooseysay.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM