Soomaaliya oo si weyn looga dabaaldegay Ciidul Fidriga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidul Fidriga ayaa Khamiista maanta ah waxaa si weyn looga dabaaldegay magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya oo ay ku jirto caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo boqollaal shacab iyo mas’uuliyiin ah kula tukaday masjidka Shuhadaa ee madaxtooyada dalka ayaa shacabka ugu baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo amniga.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi, ayaa Salaada Ciidul Fidriga Madaxtooyada kula Tukaday qeybaha kala duwan Bulshada iyo Goliyaasha Dowlada.

Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, oo Salaada ciida boqolaal shacab iyo mas’uuliyiin ah kula dukaday Xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle, ayaa Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Dadka Hirshabeelle faray inay is caawiyaan loona gurmado dadka ay sameeyeen Fatahaadaha, agoonta iyo dadka liita.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, oo boqollaal shacab iyo mas’uuliyiin dowladda ah kula tukaday masjidka INJI ee Magaalada Dhuusamareeb, ayaa shacabka ku dhiirrigeliyey in la caawiyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo xoojinta amniga & midnimada umadda.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa mid kamid ah Masaajida ku yaala caasimada Somaliland ee Hargeysa wuxuu shacabka kula oogay salaada "Ciid Yareyda", isagoo ugu hambaleeyay Ciidda.

Ciiddan ayaa waxay kusoo hagaagtay iyadoo Soomaaliya ay wajaheyso hubanti la'aan ku saabsan in doorashooyinka ay waqtigooda ugu qabsoomi doonan qaab daahfuran oo xor iyo xalaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM