Soomaaliya oo soo bandhigtay xalka caqabadaha Afrika

Image
Image
Image
Image
Image
COVID19, duumada, qaaxada, Ebola iyo HIV ayaa kamid ah dhibaatooyinka ay haatan wajaheyso qaaradda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa labo hadal jeedin ah ku yeeshay Shirka 39aad ee caadiga ah ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika.

Kukankan ayaa ka soconayay Xarunta Ururka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa maalmaha 14-15 Oktoobar oo diiradda lagu saarray baahida loo qabo xoojinta dagaalka ka dhanka ah caqabadaha ku hor-gudban Afrika.

Shirkan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Afrika ay iskugu yimaadaan tan iyo markii uu dunida ku faafay cudurka Karoona feyrus, iyadoo shirarku ku qabsoomi jireen hab fogaan-arag ah , waxaana kulankani si qotodheer looga dooday ajandayaashiisa.

Balal Cusmaan ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada xoogga leh ee Afrika si loo badbaadiyo dadkeeda iyo in la diiwaangeliyo wax taariikh u noqda qaaradda oo leh mustaqbal aad u nabdoon oo barwaaqo ah.

Cusmaan ayaa intaas ku daray in Afrika ay tahay tan ugu badan ee ay saameeyeen dhibaatooyinka caafimaad, isagoo xusay isku-xidhnaanta bulsho iyo dareen wadaagga aadannimo ee lagula dagaalamayo cudurrada faafa, oo ay ku jiraan COVID19, duumada, qaaxada, Ebola iyo HIV.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo hadal-jeedintiisa ku gudo-jira ayaa ku baaqay in la maalgashado Soomaaliya si loo yareeyo cunno-yarida iyo nafaqo-darrada iyo in la kobciyo wax-soo-saarka beeraha gudaha dalka ku yaalla halkii laga keeni lahaa dibadda waxyaabo aan loo baahnayn.

Diblumaasiga ayaa tilmaamay in caqabadaha looga gudbo iskaashi iyo wax wadaag si dalku u noqdo dambiisha cuntada ee caalamiga ah , kana horumarsan dhinacyada warshadaha, beeraha iyo caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM