Soomaaliya oo taageertay qaraar ka careysiiyey Israel

Image

WASHINGTON, USA - Golaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay ayaa todobaadkii lasoo dhaafay waxay meelmariyeen qaraar ka dhan ah Yahuuda iyadda oo Soomaaliya kamid tahay dalalkan taageeray.

Qaraarkaas, oo ayaga oo metalaya ururka Islaamka OIC ay soo gudbiyeen mas'uuliyiinta Falastiin iyo Pakistan, ayaa xeerinaya dhismaha guddi madax-banaan oo baara in Yahuuda dambiyo dagaal geystay.

Baaritaankaas ayaa wuxuu ku qotomaa dhacdooyinka ay duqeymaha kamidka yihiin ee Yahuuda ka geysteen magaalada Gaza iyo dhulka kale ee kamid ah Falastiin mudadii ay dagaalka socdeen 11-ka maalmood.

Sida ay muujineyso natiijada coddeyntan goluhu sameeyay Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay, qaraarkan ka careysiiyey Yahuuda waxaa u coddeeyay 24 xubnood, halka ay ka hor-yimaadeen 9 waddan.

Dowladaha taageeray qaraarka ayaa kala ah; Argentina, Armenia, Bahrain, Bangladesh, Bolivia, Burkina Faso, China, Côte d’Ivoire, Cuba, Eritrea, Gabon, Indonesia, Libya, Mauritania, Mexico, Namibia, Pakistan, Philippines, Russia, Senegal, Somalia, Sudan, Uzbekistan iyo Venezuela.

Wadamada kasoo horjeestay ayaa waxay kala yihiin; Austria, Bulgaria, Cameroon, Czech Republic, Germany, Malawi, Marshall Islands, the United Kingdom iyo Uruguay.

Dalal kale oo lagu waramay in ay ka aamuseen ayaa waxay kala yihiin; The Bahamas, Brazil, Denmark, Fiji, France, India, Italy, Japan, Nepal, Netherlands, Poland, South Korea, Togo iyo Ukraine.

Ma jirin dal ka tirsan qaaradda Yurub oo taageeray qaraarkan oo u muuqda mid xoojinaya dhawaq horey uga soo yeeray Qaramada Midoobay oo ahaa in Israa'iil ay dhulka Falastiin ka geysteen dambiyo dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM