Soomaaliya oo gashay xaalada "bukaan nafta dhuunta u joogto"
MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo ayaa wuxuu ka caga-jiidaya in dalka ay ka qabsoonto doorasho, sidda uu shaaciyey Maxamed Cabdi Waare.
Madaxweynihii hore ee HirShabelle oo u waramay barnaamijka Hanoolaato ayaa su'aal ka keenay sababta illaa haatan aysan u kala caddeyn barnaamijka siyaasadeed ee maamulka Farmaajo.
Waare oo "ahmiyada ugu weyn" ku sifeeyay in Farmaajo uu kala caddeeyo musharaxnimadiisa ayaa hoosta ka xariiqay in ay tahay caafimaadka Soomaaliya iyo guud ahaan nidaamka doorashooyinka.
"Sababta ay muhiim u tahay in uu ajandiisu sheego muhiim u tahay waxay tahay in la kala ogaado haddii ajandihiisu yahay afarta sano ee lasoo dhaafay wixii lasoo maray miyaa? Dagaalkii Jubaland oo lasii wadaayo miyaa? Deni oo lasii weerarayo inta markan loosoo gacan baneysto miyaa? Federaalka oo lasii burburinaayo miyaa? Gacan bir ah ku qabaneynaa miyaa?," ayuu yiri.
Inkasta oo xukuumada xilgaarsiinta uu ku wareejiyay daadihinta doorashooyinka, haddana maamulka Farmaajo ayaa lagu waramayaa in ay daaha gedaashiisa ka wadaan qorsheyaal xagal-daacin ah.
"Dareenka aan qabo aniga iyo dad badan oo ila mid ah waxay tahay in madaxweynaha [Farmaajo] aysan wali kasoo go'in in ay doorasho dhacdo ama uu ka qeyb-qaato. Caafimaadka doorashada iyo Soomaaliya waxay ku jirtaa in madaxweynuhu mowqifkiisa caddeeyo," ayuu Waare sii raaciyey.
Soomaaliya "oo nafta dhuunta ay u joogto"
Isaga oo la hadlay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, madaxwayne Waare ayaa wasiirka koowaad ee dala wuxuu ku tartarsiiyey "in uu ka dhabeeyo rajadda shacabka ka qabaan".
Soomaaliya ayuu ku nuux-nuux-sadey in ay wajaheyso xaalad adag. Is-jiid-jiidka siyaasadeed ayuu caddeeyay in uu halis ku yahay midnimada iyo guud ahaan geedi-socodka dowlad-dhiska waddanka.
Mar-xalada waddanka haatan wajahayo ayuu la barbar-dhigay bukaan soo jajabay oo saalada qaliinka saaran kaasoo dhahaatiita ay ka goos-adeegayaan in ay runta u sheegaan xubnaha qoyskiisa.
"Soomaaliya hadda miiska ayay fuushaa waa isku soo jajabtay meel xun ayaa laga keenay nafta dhuunta ayay u taagan tahay waxaa [ra'iisul wasaaraha] laga rabaa in Soomaalida ugu riyaaqdey oo xaraaradoodu u dejiyey in uu ka dhabeeyo ninkii dhibsanaayo ha dhibsado waa in uu sameeyaa cadaalad iyo waxa lagu kala badbaadi karo," ayuu xusay.
Dhanka kale, Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin dhaliilaha uga yimid Waare. Xafiiska Ra'iisul wasaaraha wuxuu ka gaabsadey codsi faalo oo Garowe Online uu u diray.
Sida uu haatan xeerinayo jadwalka lasoo saarey 27-dii May, 2021, doorashada madaxtinimada ayaa loo balansan yahay 10-ka October, 2021, hase ahaatee, waxaa la saadaalinayaa in ay dib-uga-dhaceyso.
GAROWE ONLINE