Soomaaliya oo waayi karta codka Qaramada Midoobay

Image

WASHINGTON, US – Soomaaliya ayaa kasoo dhex-muuqatay liiska 10 dal oo Qaramada Midoobay soo bandhigtay kuwaas weyn kara codka ay ku leeyihiin Fadhiga loo-dhan yahay ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Sidda laga soo xigtay faafinta UN-ka oo soo baxdey todobaadkan, sababta ay wadamadan Soomaaliya safka hore kaga jirto u weyn karaan xuquuqda codkooda ayaa ah in aysan bixin qaaraanka sanadlaha ah ee golahan.

Soomaaliya oo ay wehliyaan 8 kale oo Afrikaan ah iyo Jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan ayaa ah dalka labaad ee ugu leeyahay lacagta ugu badan.

Wadamadan ayaa kala ah;

Iiraan waxaa lagu leeyahay; $16,251,298

Soomaaliya waxaa lagu leeyahay; $1,443,640

Comoros waxaa lagu leeyahay; $871,632

Sao Tome and Principle waxaa lagu leeyahay; $871,888

Libya waxaa lagu leeyahay; $705,391

Congo waxaa lagu leeyahay; $90,844

Zimbabwe waxaa lagu leeyahay; $81,770

Central Africa Republic waxaa lagu leeyahay; $29,395

South Sudan waxaa lagu leeyahay; $22,804

Niger waxaa lagu leeyahay; $6,733

Qaaraanka Qaramada Midoobay oo si sanadle ah loo bixiyo ayaa lagu kabaa miisaaniyadda howlgalada ururka, waana waajib la dhiibo.

Antonio Guterres, xoghyaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa Isniintii wuxuu sheegay in xayiraada coddeynta ee la saarey wadamadan ay waafaqsan tahay Axdiga lagu aas-aasay ururkan jaangooya siyaasadda aduunka.

Guterres oo warqada coddeynta looga hakiyey wadamadan soo saarey ayaa u diray madaxweynaha Golaha loo-dhan yahay, Volkan Bozkir, kaasoo u dhashay waddanka Turkiga isla markaana dhaqan-gelinaya go’aankaas.

Dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho iyo howlgalkeeda Qaramada Midoobay ayaan wali ka hadlin arrintan.

Coddeynta fadhiga loo-dhan-yahay ee Qaramada Midoobay ayaa leh muhiimad gooni ah marka ay soo baxayaan qaraarada saameynaya aduunka wallow uu kasii culus yahay go’aanka kasoo baxay Golaha Ammaanka ee ururka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM