Soomaaliya: Qarax Gaari lagu fashiliyay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku guuleystay inay fashiliyaan qarax gaari lagu soo xiray, kaasi oo lala damacsanaa in lala eegtay saldhig ciidan oo caasimadda ku yaalla.

Saraakiisha ciidamada booliska waxaya sheegeen in la qabtay gaari nooca raaxada ah [SPACIO], oo la dhigay meel ku dhaw Isgoyska Ex-control Afgooye, oo ay fariisan ku leeyihiin Militariga dowladda, oo gaadiidka ka yimaada gobollada dalka.

Mudo daqiiqado ah ayaa la xiray wadada, iyadoo ciidamo si gaar ah u tababaran oo qaabilsan miinooyinka qaabilsan ay gaariga ka fureen walxaha qarxa ee ku xirnaa. Gaari waxaa la wareegay ciidamada Nabad Sugida, oo baaraya cid iska leh.

Ciidamada Xasilinta ayaa wax qaban ka qabtay qaraxyada Al Shabaab ee Muqdisho, kadib markii ay sameeyeen qprshooyin amniga oo ah kamid yihiin baro-control oo magaalada gudaheeda dhigay, kuwaasi oo habeen iyo maalin lagu baari baabuurta.

Al Shabaab ayaa laga saaray Muqdisho 2011-kii, balse Kooxdan ayaa wali khatar ku ah amniga caasimadda waxayna fulisay weeraro badan oo la beegsatay xaruumo dowladeeda, saldhigyo ciidan iyo goobo shacab oo hoteello u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM