Soomaaliya: Rag qaraxyo ka fuliyay Muqdisho oo la xumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan waxay ku riday 4 xubnood oo katirsan Al Shabaab.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada, Korneel Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay go'aanka Maxkamadda kasoo baxay, isagoo xusay in raggan la xukumay lagu helay dembiyadii lagu soo eedeeyay, oo la xiriira falal argagxiso.

Ragga la xukumay:

Cabdiqaadir Abuukar Shaacir [Dil toogasho ah]

Maxamed Cumar Akiile [Xabsi Daa’in]

Daa’uud Maxamed Cali [10 sano oo xabsi ciidan ah]

Cabdullaahi Ibraahim Geesey [Labo Sano oo Xabsi ciidan ah]

Korneel Xasan Cali Nuur Shuute oo xukunka Maxkamadda u akhriyay Saxaafadda ayaa sheegay in afarta qof oo katirsan Al Shabaab ay qaraxyo ka fuliyeen hoteello ku yaalla Wadada Makka Al Mukarama.

Cadeymaha Maxkamada la horgeeyay waxaa kamid ahaa Muuqaallo ay duubeen Kaamirooyinka ku xiran wadooyinka Muqdisho, kuwaasi oo kasoo dhex-muuqdaan raggan la xukumay qaarkooda.

Dembiiliyaasha waxaa u furan racfaan, hadii aysan ku qanacsanayn xukunka Maxkamada, sida uu sheegay Gudoomiye Xasan Cali Nuur Shuute.

Hoos ka akhro qoraalka Maxkamadda:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM