Soomaaliya: Sarkaal katirsan dowladda oo ka badbaaday Isku-day Dil

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubaysan oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al shabaab ayaa saaka ku dhaawacay magaalada Muqdisho Sarkaal katirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mas'uulkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Cumar, islamarkaana ah Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaliya ayaa lagu dhaawacay degmada Dharkenleey, ee gobolka Banaadir, xilli uu kusii jeeday goobtiisa shaqo.

Rag bastoolado ku hubaysan, ayaa Cabdullaahi Sheekh Cumar, ku furey rasaas xilli uu Gaarigiisa Shidaal uga shubanayay goob ku taalla degmada, waxaana kasoo gaarey weerarka dhaawac fudud, iyadoo kadibna loola cararay mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho.

Goob-jooge la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in rag bastoolado ku hubaysan ay gaysteen weerarka, lala damacsanaa in lagu dilo Cabdullaahi Sheekh Cumar, kuwaasi oo goobta isaga baxsaday, kahor inta aan soo gaarin Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Isku-dayga dil, iyadoo Saraakiisha maamulka degmada aaney wali ka hadal dhacdadaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM