Soomaaliya: Sharmaake oo u jawaabey Farmaajo [Dhageyso]

Image

ROMA, Italy- Ra'isal wasarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Sharmaake oo ku sugan wadanka Talyaaniga ayaa ka jawaabey baaq Madaxwewyne Farmaajo u jeediyey siyaasiyiin uu ku tilmaamey iney ku xiran yihiin wadamo shisheeye.

Idaacada VOA oo wareysi la yeelatey Sharmaake ayaa hadalka Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliyeed kaga jawaabey iney tahay talaabo fiican iney tahay in la isaga soo dhowaado sidii hore si loogu midoobo kooxaha aragagixisada ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadley maalintii shaley fagaaro ay isugu soo baxeen dadweyne diidanaa weerarkii kooxda Al Shabaab la beegsatey dad shacab ah kaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya 300 ayaa ugu baaqey siyaasiyiin uu ku sheegey iney wadamo shisheeye ku xiran yihiin iney ka waantoobaan falkaas si looga hortago kooxaha aragagixisada ah.

Rashid oo u tartamey xilka madaxweynaha Soomaaliya balse waayey xilkaaa ayaa tan iyo inta Madaxweyne Farmaajo talada dalka qabtey waxaa lagu tirinayey inuu mucaarad ku yahay dowlada Federaalka isagoo dhaqdhaqaaqyo wadey.

Sharmaake ayaa sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM