Soomaaliya: Shirweynihii Qaran ee Dastuurka oo baaqday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay inuu baaqday Shirweynaha qaran, ee dib u eegista Dastuurka dalka, kadib markii laga soo horjeestay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa ku dhawaaqay inuu dib u dhacay Shirka, oo lagu waday inuu maanta oo Axad ah ka furmo magaalada Muqdisho.

Sababta dib u dhaca, waxa uu ku sheegay Wasiir Yariisow Arrimo farsamo.

Shirka waxaa kasoo horjeestay dhammaan maamulada dalka ka jira iyo Guddiyadda Dastuurka, oo ku eedeeyay in Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay fara-maroojisay hanaankii dib u eegista Dastuurka.

Kaalinta Gudiyada oo meesha ka maqan iyo maamul goboleedyada oo aan laga tala-galin ayaa keentay khilaaf xooggan, oo sababay inuu qabsoomi waayo Shirka, looga hadli lahaa arrimo dastuurka wadanka.

War-murtiyeed wadajir ah oo ay shalay soo saareen Gudiga dib u eegista iyo la socodka hergelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya & Gudiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hergelinta dastuurka ayaa ku qaadacay Shirweynaha qaran ee dastuurka.

Halkan hoose ka akhri War-murtiyeedka:


GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM