Soomaaliya: Shirweynihii Qaran ee Dastuurka oo baaqday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay inuu baaqday Shirweynaha qaran, ee dib u eegista Dastuurka dalka, kadib markii laga soo horjeestay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa ku dhawaaqay inuu dib u dhacay Shirka, oo lagu waday inuu maanta oo Axad ah ka furmo magaalada Muqdisho.

Sababta dib u dhaca, waxa uu ku sheegay Wasiir Yariisow Arrimo farsamo.

Shirka waxaa kasoo horjeestay dhammaan maamulada dalka ka jira iyo Guddiyadda Dastuurka, oo ku eedeeyay in Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay fara-maroojisay hanaankii dib u eegista Dastuurka.

Kaalinta Gudiyada oo meesha ka maqan iyo maamul goboleedyada oo aan laga tala-galin ayaa keentay khilaaf xooggan, oo sababay inuu qabsoomi waayo Shirka, looga hadli lahaa arrimo dastuurka wadanka.

War-murtiyeed wadajir ah oo ay shalay soo saareen Gudiga dib u eegista iyo la socodka hergelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya & Gudiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hergelinta dastuurka ayaa ku qaadacay Shirweynaha qaran ee dastuurka.

Halkan hoose ka akhri War-murtiyeedka:


GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM