Soomaaliya: Talaabo loo qaadey soo celinta ciidanka Mareykanka
WASHINGTON, USA – Talaabadii maamulkii Donald Trump uu inta badan ciidamadii Mareykanka uga saarey Soomaaliya una aaday dalal kale oo ku yaal Afrika "malaha" wuxuu lahaa "hoos u dhac weyn," sida Khamiistii uu sheegay sarkaal ka tirsan Pentagon.
Christopher Maier, oo ah sii hayaha kaaliyaha xoghayaha difaaca ee howlaha gaarka ah iyo isku dhacyada hooseeya, ayaa u sheegay Guddiga Adeegyada Hubka ee Senate-ka "Marka laga eego aragtidayda, waxaa laga yaabaa inay jirto hoos u dhac weyn oo ku yimaada ka bixitaanka marka laga eego xagga qiimaha iyo waxtarka. Laakiin taasi waa fiirintaydii ugu horreysay, tanina waxay noqon doontaa mid is-dhexgal ah".
Bilooyinkii ugu dambeeyay ee uu shaqeynayay, Madaxweynihii hore Trump wuxuu amar ku bixiyay ku dhowaad dhammaan 700 oo ciidamadii Mareykanka ee ku sugnaa Soomaaliya inay dib uga baxaan. Ciidamada ayaa u joogay Soomaaliya inay ka caawiyaan dhigooda maxalliga ah Al-Shabaab iyo maleyshiyadda taabacsan Daacish.
Xilligaas, Pentagon-ka wuxuu ku adkeysanayay amarka Trump "in uusan ahayn isbeddel ku yimid siyaasadda Mareykanka" waxaana Taliska Mareykanka ee Afrika uu xusay in ciidammada "ay sii ahaadaan kuwo awood u leh in ay duqeeyaan Al-Shabaab" waqti iyo goob kasta.
In kasta oo Trump uu tallaabadaas u dejiyey qayb ka mid ah dadaalladiisa ku aaddan joojinta "dagaallada aan dhamaan," inta badan ciidammada Mareykanka ee ka tegey Soomaaliya waxaa dib loogu celiyey dalalka kale ee u dhow sida Kenya iyo Jabuuti waxayna sii wadeen hawlgallada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.
Maamulka Biden wuxuu ku wadaa dib u eegis lagu sameynayo muuqaalka militariga Mareykanka ee daafaha dunida taas oo sababi karta dib uga noqoshada ka bixitaankii Trump ama isbeddelo kale oo ku yimaada raadadka militariga Mareykanka ee Afrika.
Maier, oo hogaaminayay howl-galka Pentagon-ka ee ISIS intii uu jiray maamulka Trump illaa laga eryay intii lagu guda jiray doorashadda. Ka dib ceyrintaas, waxaa Pentagon dib ugu soo celiyay Biden, wuxuu si maldahan u sheegay dib-u-eegista ciidanka sida uu Khamiistii uga hadlay bixitaanka Soomaaliya.
"Saameynta ka bixitaanka Soomaaliya waa wax laga eegay labadaba aragtida argagixisada, iyo ujeedooyinka guud ee gobolka ee aan ka leenahay Geeska Afrika," ayuu yiri Maier.
Maier, oo yiri "mid ka mid ah faa'iidooyinka bilowga maamul cusub" waa dib u eegis lagu sameeyay, sidoo kale wuxuu yiri mid ka mid ah "waxyaabaha muhiimka ah" ee dib u eegista adduunka waa dheellitirka "baahida loo qabo in la sii wado ilaalinta shacabka Mareykanka, muwaadiniinta, danaha ka dhanka ah Al-Qaacida iyo ISIS iyo kooxaha ku lammaan ee wali halkaa ku sugan" iyadoo loo weecinayo militariga dhanka waxa loogu yeero loolanka awooda weyn ee Ruushka iyo Shiinaha.
Maier wuxuu ka jawaabayay su'aalaha Sen. James Inhofe (R-Okla.), oo ah xubin xil sare ka haya Guddiga Adeegga Hubka ee Senate-ka, kaasoo nasasho dhif ah la qaatay Trump kana soo horjeeday bixitaanka Soomaaliya.
Inhofe wuxuu u sheegay Maier inuu jeclaan lahaa inuu "ku jiro" maamulka Biden ee dib u eegista Soomaaliya, isagoo iftiiminaya sida uu ugu khilaafsan yahay Trump arrinta.
"Aad ayaan uhadlay markii go'aankaas la qaatay, waxaana jeclaan lahaa inaan arko sida aan arintaas ku sameyno," ayuu hadalkiisa kusoo koobay Inhofe oo kalsooni ka muujiyey in ciidamadda Mareykanka ay dib uga howlgeli bilaabi doonan gudaha Soomaaliya.
GAROWE ONLINE