Soomaaliya: Wadada Zoobe oo dib loo furay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa saaka dib loo furay isku socodka wadada Zoobe, oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen howlo dib u dhis iyo nadaafad isagu jira qaraxii 14-kii October kadib.

Wasiirka amniga Maxamed Abukar Islow oo shalay goobta booqday, ayaa amar ku bixiyay in la furo jidka, maadaama lagu guuleystay in laga nadiifiyay burburka dhismooyinkii halkaasi ku soo dumay.

Gaadiidka dadweynaha BL-ka, ayaa si caadi ah u isticmaalaya saaka wadada, waxaana dhanka goobta ka socda wali dib u dhiska lagu sameyanyo goobihii ganacsi ee qaraxa ku burburay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay soo bandhigtay tirada guud dadkii ku geeriyootay qaraxa, oo ay ku sheegtay inay gaartay 358 ruux, iyadoo wali nolol iyo geeri lagu la'yahay 56 qof.

Guud ahaan dadka waxyeelladu gaartay waxay dhan yihiin 642 ruux oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo dad la waayay. 122 kamid ah dadkii ku dhaawacmay masiibada oo ah 228 ayaa loo qaadey dibadda.

Wali ma jirto cid sheegtay mas'uuliyadda qaraxa, balse dowladda ayaa ku eedaysay Al shabaab maadaama looga bartay weerarada noocaas ah ee ka dhaca Soomaaliya iyo gobolka geeska Africa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM