Soomaaliya: Wafdiga Galmudug oo gaarey Jabuuti

Image
Image
Image

JABUUTI - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa saaka gaarey dalka Jabuuti, halkaasi oo uu ka furmayo kulan ay la yeelanayaan hogaanka Ahlu Sunna.

Madaxweyne Xaaf oo ay wehliyeen mas'uuliyiin katirsan maamulkiisa, oo uu kamid yahay ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti.

Wararka aan ka helayno Jabuuti ayaa sheegaya in Wafdiga maamulka Ahlu Sunna sidoo kale la filayo in saacadaha soo socda uu gaaro dalkaasi, oo gogol ugu fidiyay Ururka IGAD Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Wadahadallada Jabuuti oo la filayo in lagu soo afjaro khilaafka siyaasdeed ee hareeyey dhinacyada daga gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa dhexdhexaadinaya urur goboleedka IGAD taasoo dooneysa iney mideyso Ahlu Sunah iyo Galmudug.

Wadahadalkaan ayaa dhinaca kale diirada lagu saarayaa in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya dhinacayada siyaasdeed ee Galmudug kuwasoo is-qab-qabsi dhexmarey kadib markii ku-xigeenka Madaxweynaha maamulkaas iyo Gudoomiyaha Barlamanaka sheegeen iney xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.

Warsidaha Garowe Online oo horey u shaaciyey in kulankaas ka dhacayo magaalada Jabuuti ayaa wararka uu helayo sheegayaan in dhinaca dowlada Federaalka Soomaaliya uga qayb galayaan saraakiil ka tirsan Wasaarada arimaha gudaha. Halkaan ka akhri 

Wararka hordhaca ah ee ka imaanaya mowqifyada dhinacayada lagu wadahadal siinayo Jabuuti ayaa sheegayan in ururka Ahlu Sunah dalbanayo in Barlamanka maamulka Galmudug loogu daro xubno leeg kuwa hadda fadhiya golahaas arinkaas oo ay diidan yihiin maamulka Galmudug.

Hogaamiyaha ururkaan ayaa talaabadan la rumeysan yahay in ujeedkiisa yahay in doorashada soo socota ee maamulkaas isagu ku guuleysto xilka Madaxweyne ee maamulkaas.

Wajiga koowaad ee wadahadalka waxa uu ka dhacay maalmo kahor magaalada Nairobi, halkaasi oo ay isku soo arkeen Madaxweyne Xaaf iyo Maxamed Shaaakir.

GAROWE ONLINE  

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM