Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Marka

Image

MARKA, Soomaaliya - Xaaladda magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa degan saacado kadib markii ay ciidanka xooga dalka ay kala wareegeen xoogaga Al-Shabaab oo qayb ahaan maamuli jiray.

Wararka ayaa sheegaya inay socdaan kulamo udhaxeeya maamulka degmadda iyo ciidamada la wareegay Magaaladda oo uu hogaaminayo Jenaraal Cabdullaahi Cali Caanod, kaasoo xilka Abaanduulaha laga qaaday.

Masuuliyiin ka tirsan degmadda ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in kulamadda socda ay uga arrinsanayaa sidii ciidanka xooga ay baaqi ugu sii ahaan lahaayeen Magaaladda, si aysan Shabaab ugu soo laaban.

"Ciidamada waxaa la amray in Guuto walba ay meesha kusii sugnaato. Jenaraal Caanood wuxuu sheegay in aysan meel ay ciidamada uga baxayaan Magaaladda," ayuu masuul magaciisa ka gaabsaday ayaa sidaas yiri.

Howlgalo ayay ciidamadda xooga dalka ka sameynayaa gudaha iyo daafaha Magaaladda, kuwaasoo ujeedkeedu yahay in lagu xaqiijiyo amaanka iyo xasiloonidda caasimad goboleedka Shabeellaha Hoose.

Waxaa jirta qayb aysan tegi karin ciidanka xooga, halkaasoo ay ka kala arrmiyaan Maleyshiyaad u abaabulan qaab Beeleed, waxaana iyaga "la amray" in dhinac walba uu meeshi ku ekaado.

Xoogaga Al-Shabaab oo dhinacooda war kasoo saaray sheegashadda ciidanka dowladda ee ah inay qabsadeen guud ahaan Magaaladda waxay tilmaamtay inay dib u qabsatay, inkasta oo aanan jirin illo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashadooda.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aynu ka helayno Magaaladda ayaa tibaaxaya in Milatariga Soomaaliya ay wadaan dhaqdhaqaaq ciidan, kaasoo ujeedkiisu yahay inay fariisamo adag ku sameystaan goobihii ay faarujiyeen xoogaga Shabaab.

Magaaladda Marka oo ay ku taalo Dekad qadiimi ah ayaa waxaa sanadihii udambeeyay maamulkeedu ahaa isku dhiib-dhiib, xili caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ay ujirto 109 KM, waxaana ay tahay degmo muhiim u ah gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM