​Soomaaliya: Wariye dhaawac ugu geeriyooday Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Wariye Cabdullaahi Cismaan Macallin oo kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo 10 September, 2017 ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa xalay saq-dhexe ku geeriyooday Cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Geerida Wariyahaasi waxaa xaqiijiyay Maamulka TV-ga iyo qaar kamid ah eheladiisa oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Marxuumka ayaa Caasumadda Soomaaliya la geeyay kadib markii xaalkiisu sii xummaday inkastoo goor hore shalay dhakhaatiirtu sheegeen inaysan waxba ka qaban karin.

Cabdullaahi Cismaan ayaa kamid ahaa wariyaasha Jubbaland TV u jooga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

ALLAH ha u Naxariistee Marxuumkan ayaa waxaa lagu wadaa in isla maanta lagu aaso magaalada Muqdisho.

Axadii lasoo dhaafayay ayay ahayd markii ruux isku soo xiray walxaha qarxa uu beegsaday Maqaayad ku dhaw Koontaroolka Koowaad ee laga galo Baledweyne, waxaana ku dhintay laba qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 9 ruux oo ay ku jiraan Wariyaal ka howlgalayay xarumo warbaahineed oo ku yaalla magaaladaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM