Soomaaliya: Wiil 24-sano jir ah oo xukun gacan-goyn ah lagu fuliyay

Image

KUNYO-BARROW - Kooxda Al-Shabaab ayaa xukun gacan-goyn ah ku fulisay Wiil 24-sano jir, kaasoo lagu magacaabo Maadeey Cabdiulqaadir Zaki oo ku magac dheer [Daniyoow], sida laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka kooxda.

Falkaan oo ka dhacay degaanka Kuunya-Barroow ee Gobolka Shabeellaha, ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayay Shabaab fulisay shalay Gelinkii dambe, waxaana goobta xukunka lagu fuliyay ku sugnaa Boqolaal qof oo dadwayne ah.

Daniyoow ayaa lagu eedeeyay inuu Farmashiye ku taalla degaanka Farsooley oo hoostagta Degmada Qoryooley uu ka xaday Hal Milyan oo Shilin Soomaali ah [$50], Taleefoon nooca gacanta ah iyo Kabo Saandal ah.

Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ninkan dhalinyarada ah uu qirtay falka xatooyada ah, sidaasna xukunka loogu fuliyay.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee Xukunka ku ridday Daniyoow ayaa goobta fulinta ka sheegay in cid walba oo lagu helo dambi noocaan ah ay xukun kan lamid ah fulan doonaan, isagoo dadka uga digay inay ka feejignaadaan.

Al-Shabaab ayaa inta badan xukuno noocaan ah ka fuliya degaanada ku hoos-jira maamulkeeda, waxaana ay ahayd labo todobaad kahor markii degaannka Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay xukun dil ah ugu fulisay Oday 95-sano jir ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM