Soomaaliya: Xasan iyo Xamse oo wax yar u jirsaday inay ku dhawaaqaan duullaan ka dhan ah Puntland

Image

Muqdisho (GO) – Munaasabad lagu soo gabagabeynayay toddobaadka xorriyadda Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa isu beddeshay madal ay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Raysalwasaaraha muddo xilkiisu soo afjarmey, Xamse Cabdi Barre, ku difaaceen tallaabooyin ay ku wiiqayaan nidaamka federaalka iyo awoodaha dastuuriga ah ee dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka ah.

Labada mas’uul ayaa si toos ah uga hadlay Dowladda Puntland, iyaga oo difaacay in Dowladda Federaalka ay ciidan ka qoran karto dowladaha xubinta ah nidaamka Federaalka  iyada oo aan oggolaansho ka haysan maamulka ay ciidanka ka qorayso, isla markaana aan wax wadatashi ah laga gelin arrintaas. Qodobkan ayaa ka hor imanaya mabda’a iskaashiga iyo awood-qaybsiga ee saldhigga u ah nidaamka federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xiriirkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Puntland uu gebi ahaanba go’ay.

“Maamulka Puntland iyo Dawladda Federaalka ah wax ka dhexeeyaa ma jiraan. Wax walba waa la jaray oo waa la joojiyay, xidhiidh kama dhexeeyo, wada shaqayn kama dhaxayso, wasaaraduhu ma wada shaqeeyaan, halka dalka intiisa kale wasaaraduhu wada shaqeeyaan.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu difaacay ciidamada Dowladda Federaalka ay ka qortay Puntland, isaga oo beeniyay in loo adeegsanayo faragelin ka dhan ah Puntland.

“Wiilasha meeshaas joogaa siddeed bilood, sagaal bilood, qaarkood toddobo bilood ayay mushahar qaataan. Siddeed bilood fidno ma aysan kicinin, maxaa hadda loo leeyahay fidnay kicinayaan.”

Dhankiisa, Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si cad u taageeray in Dowladda Federaalka ay qorto ciidamo ka imanaya Puntland, isaga oo sheegay in dowladda ay waajib ku tahay mushaharkooda, dallacsiintooda iyo qoristooda, isagoo intaas ku daray in tirada ciidamada la kordhin doono, isaga oo yiri:

“Haddii aad adigu mushahar siin wayday oo dawladdu mushahar siisay, oo darajiyo dalacsiin siisay, maxaa danbiile ka dhigay? … Dawladdii uu keenayna annagaa madax ka ah, waxaana waajib nagu ah inaan xuquuqdiisa siino. Ama diid ama yeel. Kun baad ka hadli, labaad ka hadli, toban kun, labaatan kun, soddon kun baan qoraynaa waana siinaynaa xuquuqdooda.”

Hadallada labada masuul ayaa imanaya iyadoo Dowladda Federaalka ay hore ugu guuldarraysatay isku dayo ay ku ballaarinaysay saameynteeda gudaha dowlad-goboleedyada kale. Dowladda ayaa hore isku dhac siyaasadeed iyo mid amni ula gashay Jubaland, waxayna sidoo kale duulaan cad ku qaadey maamulka Koonfur Galbeed islamarkaana madax uga dhigtey Gudoomiyihii Barlamanka muddo xileedkiisu dhamaadey.

Puntland ayaa muddo dheer ku adkaysanaysay in nidaamka federaalka lagu dhisay heshiis siyaasadeed iyo dastuur ku-meel-gaar ah, islamarkaana awoodaha dowladda dhexe iyo kuwa dowlad-goboleedyada lagu maamulo wada-tashi iyo is-afgarad, halkii lagu beddeli lahaa go’aanno hal dhinac ah.

Munaasabaddii loogu talagalay xiritaanka toddobaadka xorriyadda ayaa sidaas ku noqotay goob ay madaxda Dowladda Federaalka ku difaacaan siyaasado la xiriira qorista ciidamo ka tirsan dowlad-goboleedyada iyo mowqifkooda ku aaddan xiriirka Dowladda Puntland.

Related Articles