Soomaaliya: Xildhibaan u geeriyooday safmarka Covid-19

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish.

Marxuumka oo ku geeriyooday Magaala madaxda ku meelgaarka ah Kismaayo isagoo maalmahii lasoo dhaafay uu soo ritay safmareenka khatarta badan ee Covid19.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cabdi Xasan Xiish uu kaalin muhiim ah ku lahaa Dowladnimada Jubaland isagoo ka soo shaqeeyay heerar kala duwan sidoo kalana mar walba u taagnaa Midnimada Bulshada.

"Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish wuxuu ahaa shaqsi Alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin nidaamkeena Dowladnimo isagoo labo mar oo hada ay u danbaysay ahaa Xildhibaan intii uu shaqadan hayayna ku suntanaa xilkasnimo," ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Jubaland ee uu ka baxay. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM