South Korea oo kordhisay xayiraad ay saartey Soomaaliya

Image

SEOL, South Korea - Wasaaradda arrimaha dibedda Kuuriyada Waqooyi ayaa Isniinta maanta ah waxay kordhisay xayiraadda socdaalka ee lix waddan oo ku yaal Bariga Dhexe, qaadaro kale, iyo qaybo ka mid ah Filibiin.

Cusbooneysiinta oo ah muddo lix bilood oo kale ah ayaa, sida ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda, waxay ku saleyneysan tahay "khataro amni oo daba dheeraaday".

Dalalka ayaa kala ah Ciraaq, Suuriya, Yemen, Liibiya, Soomaaliya, Afgaanistaan ​​iyo gobolka koonfureed ee jasiiradaha Filibiin - Zamboanga Peninsula, Sulu, Basilan iyo Tawi-Tawi, sidda ay ka dhawaajisay wasaaraddu.

"Go'aanka ayaa wuxuu dhaqan galayaa laga bilaabo Agoosto 1 ilaa Janaayo 31, 2022," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedkan, sida ay warisay wakaaladda wararka Yonhap News Agency.

Wasaarada ayaa tibaaxdey "Wadamaddan waxaa daashadey halista joogtada ah ee weerarada ka yimaadda kooxaha argaggixisada iyo xasillooni darro siyaasadeed oo ay u badan tahay inay sii socon doonto muddo dheer".

Xayiraada socdaalka Ciraaq, Suuriya, Soomaaliya iyo Afgaanistaan ​​ayay South Korea soo rogtay sanadka markii uu ahaa 2007. Seoul waxay xayiraadda saartay Yemen sanadkii 2011, Liibiya 2014 iyo jasiiradaha Filibiin 2015.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dagaalama kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo fuliya weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan. Dhacdooyinkaas waxay curyaamiyeen nabad-gelyadda iyo guud ahaan maalgashiga caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM