Su'aasha aan wali laga jawaabin ee la xiriirta kiiska badda

Image
Xukunka maxkamadda ICJ ayaa furay bog cusub oo fahfaahintiisa muhiim tahay in bulshada lala wadaago. [Photo: Mohamed Maax]

MUQDISHO, Soomaaliya - Buuq horleh ayaa ka dhashay hadal uu madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka sheegay munaasabad Midowga Musharaxiinta ugu dabaaldegay guusha gal-dacwadeedka badda.

Inkasta oo dhawaqan uusan ahayn mid cusub, haddana waxaa macno u yeelaya waqtiga uu kusoo aaday oo ah xilli maxkamada cadaaladda aduunka ICJ ay u xukmisay Soomaaliya goobta Kenya muranka gelisay.

Shariif ayaa mar kale wuxuu ku nuux-nuux-sadey in uusan waxba kala socon is-afgaradkii Soomaaliya iyo Kenya ka gaareen is-qabqabsiga kahor inta 2014-kii aan loo dareerin xeerbeegtadda Qaramada Midoobay.

Ra'iisul wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Wasiirkii qorsheynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadda kawada tirsan yihiin Midowga Musharaxiinta ayuu u gooni yeelay saxiixa is-fahamkaas.

Warsame oo goobjoog ka ahaa munaasabadda ayaan wali fursad u helin in uu ka falceliyo dhawaqa Shariif. Hase ahaatee, waxaa gaashaanka ku dhuftey Cumar Cabdishariid oo qoraal ku daabacay bogga Twitter-ka.

"Sababo ku aadan bayaamin, madaxwayne Sheekh Sharif wuxuu qeyb ka ahaa geedi-socoda go'aan ka gaarista ee is-fahamka sababay kala duwanaanshiyaha kiiskeena. Khatarta inkiraadda waxay dhabaha u xaareysaa in madaxwayne Farmaajo uu berri yiraahdo waxba kalama socon xalqada Qalbi-dhagax iyo waxa lamid ah," ayuu ka dhawaajiyey.

Kiiska badda ayaa muddo dheer wuxuu ahaa bar madow oo ku taala qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida kuwaas oo in badan oo kamid ah muddo dheer iska fogeynayey dayaacado xubno kasoo horjeeda ka faafiyeen.

Hase ahaatee, dhawaqa Shariif ayaa u muuqanaya in uu furay bog cusub kale oo la xiriira in bulshadda lala wadaago cidda masuulka ka ahayd saxiixida is-fahamkaas dooda u xambaarey maxkamadda cadaaladda.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo oo soo dhaweeyay xukunka ICJ ee guusha siiyey Soomaaliya ayaa bogaadiyey maamulkii ka horeeyay balse wuxuu duray saxiixayaasha is-afgaradka.

Warsame oo qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareegga Facebook-ga si ballaaran ugu naqdiyey hadalka kasoo yeeray Farmaajo ayaa is-waydiiyey in ay "in aqoon darri u geysay [ficilka] iyo in cadowtinnimo halkaa la gaartay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM