Su'aal laga keenay howlo uu gacmaha kula jiro Fahad Yaasiin Daahir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wuxuu su'aal ka keenay shaqooyin uu gacmaha kula jiro Agaasimaha Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA.

Fahad Yaasiin Daahir oo gabay waajibaadkiisa saxda ee ah xaqiijinta ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada ayaa ku milmay siyaasadda, isagoo u muuqda mid metelaya kaalinta ra'iisul wasaaraha maqan.

Xilli uu yahay shaqsiga ugu tunka weyn xafiiska madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo ee Farmaajo, agaasime Fahad ayaa muddooyinkii dambe siyaabo kala duwan ula shiray madax siyaasadeed.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa is-waydiiyey hadii ra'iisul wasaaraha ku meelgaarka ah ee Mahdi Guuleed uu yahay "maqaar saar" maadaama doorkiisa aysan muuqanba.

"Doorashadii Hirshabelle waxaa lagala hadlayaa taliyaha Nabadsugidda (TN). Xalka Gedo waxaa ka xaajoonaya Madaxweynaha Jubbaland iyo TN. Waxaa kulmay madaxweynihii hore iyo TN. Madaxweynayaasha maqan waxaa raadinaya TN. Horta sii hayihii aaway? mise waa maqaar saar?" ayuu Warsame kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee xiriirka dadweynaha.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa ku daray: "Maxaase Raysalwasaare looga baahanyahay mar haddii uu hawlahan TN hayo? Maa wiilka xilka loo magacaabo illeyn xaajo ugub ah maaha oo horay ayaa Maxamad Siyaad xilkaan ugu magacaabay Maxamad Cali Samatar oo beesha shanaad ah, beesha sugaysana dacwadii ayaa ka dhamaatee looga faataxeeyo?".

Wariyihii hore ee telefishinka Al Jazeera laantiisa Carabiga, Fahad, ayaa xulafo dhow la ah dowladda Qadar oo maalgelisay ololihii doorashada Farmaajo ee 2017-kii isla markaana dowladiisa siisa dhaqaale.

Iyaddoo dalku ku jiro mar-xalad khatar kala guur ah aysana qeexneyn nooca coddeynta ee dhaceysa 2020-21, Fahad ayaa u muuqda mid horboodaya wadahadalada siyaasadeed taasoo ah shaqada madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM