Sudan oo isku khaladey sawirada Farmaajo iyo Xasan Sheekh

Image

KHARTUUM, Sudan - Ra'isul Wasaaraha dalka Sudan, Cabdalla Xamduuk, ayaa Isniintii shalay ahayd wuxuu khadka telefoonka kula hadlay qaar kamid ah madaxda dowladdaha geeska qaarada Afrika.

Hogaamiyeyaashaas waxaa kamid ah; madaxweynaha dowladda Djibouti, madaxweynaha dowladda South Sudan, Ra'isul Wasaaraha Ethiopia, iyo madaxweynaha xilka ka degaya ee Soomaaliya.

Intii uu socday shirka khadka telefoonka lagu yeeshay ayey madaxdu ka wada hadashay arimo khuseeya siyaasada isaso tareysa ee gobolka geeska Afrika iyo sidii la isaga kaashan karo amniga guud ee gobolka.

Xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Khartoum ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigtay sawir ay ku muujineyso in RW Hamdok uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya ee mudo-xileedkisu dhamaaday, Maxamed Farmaajo, balse ay sawirkiisa ku khaldeen kan madaxweynihii hore ee dalka, Xassan Sheekh Maxamuud.

Muddo daqiiqado ah kadib, waxaa ay ka saareen gabbi ahaan sawirkii khaladka ahaa ayago aan dib dambe kaso sixin. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa. Mana jirto fahfaahin ay ka bixiyeen.

May be an image of ‎2 people and ‎text that says '‎محمد عبد الله محمد رئيس جمهورية الصومال د.عبدالله حمدوك رئيس مجلس الوزراء‎'‎‎

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saarin kulanka ay telefoonka kuwada yeesheen Farmaajo iyo Cabdalla Xamduuk. Xiriiro arrintaas lagala sameeyay way ka gaabsadeen in ay ka jawaabaan.

Geeska Afrika ayaa wajahaya doorashooyin xasaasi ah iyo colaado si gaar ah uga jira gobolka waqoyga Itoobiya ku yaala ee Tigray halkaasoo boqolaal rayid ah ku dhinteen qaar kalana oo badan ku barakaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM